Muqdisho (Adduun.com) – Wafdi ka socday Jaamacadda Carabta ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Wafdigan waxaa hoggaaminaya Xoghayaha Guud ee ururka u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga, Dr. Maxamed Walac Acmar, waxaana ku wehliya xubno kale oo ka tirsan ururka.
Socdaalka wafdigan ayaa la xiriira sidii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ugala shaqeyn lahaayeen xoojinta iyo horumarinta luuqadda Carabiga ee goobaha waxbarashada dalka, sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiinta dowladda.
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo qaabilay wafdiga, ayaa tilmaamay in maalmaha soo socda ay yeelan doonaan wada-hadallo rasmi ah oo ay la qaadanayaan xubnaha ka socda Jaamacadda Carabta.
“Maanta waxaan Muqdisho ku soo dhaweeyay Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta u qaabilsan Waxbarashada, Dhaqanka iyo Cilmiga oo soo gaaray dalka, waxaana ka wada-hadli doonaa sidii kor loogu qaadi lahaa luuqadda carabiga iyo waxbarashad Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Faarax Cabdulqaadir.
Sidoo kale wuxuu xusay in booqashadan ay ku soo beegantay 52 sano kadib markii ay Soomaaliya xubin ka noqotay Ururka Jaamacadda Carabta, isaga oo caddeeyay in dowladda ay diyaar u tahay wada-hadallada uu wafdigani doonayo.
Imaatinka wafdigan ayaa sidoo kale salka ku haya indho-indheynta xaaladda dalka iyo sidii loo yeelan lahaa xiriir dhinacyo badan oo u dhaxeeya maamulka ururka iyo wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
