Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Villa Somalia oo markii ugu horreysay shaacisay xilka rasmiga ah ee Jihaan Xasan - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Villa Somalia oo markii ugu horreysay shaacisay xilka rasmiga ah ee Jihaan Xasan


Muqdisho (Soomaaliya) — Madaxtooyada Soomaaliyaayaa markii ugu horreysay si rasmi ah u xaqiijisay in gabadha Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay hayso xil sare oo ka tirsan madaxtooyada, tallaabadaas oo soo afjaraysa hadal-hayn muddo socotay.

Qoraal rasmi ah oo kasoo baxay madaxtooyada, kaas oo ku saabsanaa booqashada ay Muqdisho ku timid Duchess of Edinburgh oo ka tirsan qoyska boqortooyada UK, ayaa lagu shaaciyey in Jihaan Xasan Sheekh ay tahay “La-taliyaha sare ee madaxweynaha ee arrimaha dibadda”.

Shaacintan ayaa loo arkaa tallaabo cusub oo dhanka hufnaanta ah marka loo eego qoyska Madaxweynaha. Iyadoo muddooyinkii u dambeeyay ay suuqa ku jirtay xan ku aaddan kaalinta ay gabadhu ku leedahay maamulka dowladda, haddana war-murtiyeedyada rasmiga ah ee horey looga soo saari jiray madaxtooyada marna laguma xusi jirin magac ama xil rasmi ah oo ay hayso.

Waxay arrintan timid xilli Jihaan ay Madaxtooyada kula kulantay amiirad Sophie Helen, iyagoo ka wada hadlay “iskaashiga taariikhiga ah iyo kan joogtada ah” ee u dhexeeya Boqortooyada Ingiriiska iyo Soomaaliya.

“Waxaan ku faraxsanaa inaan qayb ka noqdo wadahadallada… ku saabsan xoojinta adkeysiga iyo horumarinta daryeelka bulshada,” ayay Jihaan ku tiri qoraal ay soo dhigtay barteeda X (Twitter), iyadoo raacisay in “nabadda iyo xasiloonida Soomaaliya ay ku dhisan tahay awoodda haweenka.”

Wadahadallada ayaa diiradda lagu saaray ilaalinta haweenka iyo gabdhaha ee xaaladaha colaadaha iyo ka hortagga tacaddiyada galmada — mowduucaas oo ah mid ay si weyn ugu ololeyso Sophie — iyo sidoo kale kor u qaadista horumarka bulshada ee dalalka Geeska Afrika oo weli la daalaa-dhacaya caqabado amni iyo kuwo bani’aadannimo.

Sophie, oo ka tirsan qoyska boqortooyada Ingiriiska, ayaa caalami ahaan lagu yaqaanaa u ololeynta ka hortagga xadgudubyada galmada ee xilliyada dagaallada iyo xoojinta qaab-dhismeedka lagu ilaalinayo dhibbaneyaasha, gaar ahaan meelaha ay ka jiraan xaaladaha halista ah.

Soomaaliya iyo Ingiriiska ayaa leh xiriir qoto dheer, iyadoo London ay kamid tahay saaxiibada caalamiga ah ee muddada dheer garab taagnaa dhismaha dowladda Soomaaliya, gargaarka bani’aadantinimo iyo mashaariicda maamul-wanaagga.

Inkastoo qoraalka madaxtooyadu uu xoogga saarayay iskaashiga iyo u-ololeynta arrimaha bulshada, haddana dareenka dadweynaha iyo falanqeeyayaasha gudaha ayaa si weyn u hadal-haya shaacinta rasmiga ah ee xilka Jihaan iyo sawirradii ay ka soo muuqatay, taas oo ah qirasho dhif ah oo dowladdu ku sameyso xilalka sare ee ay hayaan xubnaha qoyska ee madaxda qaranka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard