Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support UK oo si rasmi ah ugu biirtay dagaalka IRAN, soona riday… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

UK oo si rasmi ah ugu biirtay dagaalka IRAN, soona riday…


London (Adduun.com) – Dowladda Boqortooyada Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu biirtay xaaladda sii cakiran ee ka dhex aloosan Iiraan iyo Mareykanka.

Wasaaradda Difaaca Ingiriiska ayaa sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee dalkaas ay hawada ku burburiyeen diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Iiraan, taas oo ku wajahneyd dhanka dhulka dowladda Qatar.

“Diyaarad dagaal oo nooca Typhoon ah oo ka tirsan Ciidanka Cirka ee Boqortooyada Midowday (RAF), kana hawlgashay dalka Qatar iyada oo qayb ka ah guutada wadajirka ah ee UK–Qatar Typhoon Squadron, ayaa si guul leh u soo ridday diyaarad aan duuliye lahayn oo laga leeyahay Iiraan, taas oo ku sii jeedday dhulka Qatar,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaaradda Difaaca UK.

Howlgalkaas ayaa ka dhacay hawada dalka Qatar, waxaana Ingiriisku sheegay inuu qayb ka ahaa iskaashi milatari oo u dhexeeya UK iyo Qatar.

Wasaaradda Difaaca ayaa caddeysay in diyaaradda Typhoon-ka ay si guul leh u bartilmaameedsatay una soo ridday diyaaradda aan duuliyaha lahayn ee Iiraan, taas oo ku sii jeedday dhanka dhulka Qatar. Howlgalkan ayaa lagu tilmaamay mid ka mid ah tallaabooyinka lagu sugayo amniga hawada gobolka, sida uu sheegay.

“Diyaaradda Typhoon-ka ah ayaa ku jirtay kormeer difaac oo cirka ah, waxayna adeegsatay gantaal cirka-ilaa-cir ah si ay u soo riddo diyaaraddaas, iyada oo xaqiijisay amniga hawada Qatar iyo danaha Ingiriiska ee gobolka.”

Iskaashigan milatari ayaa muujinaya doorka ay ciidamada UK ka ciyaarayaan ilaalinta amniga xulafadooda iyo danahooda istaraatiijiyadeed ee Bariga Dhexe.

Tallaabadan ayaa sii kordhinaysa xiisadda ka taagan gobolka, gaar ahaan khilaafka u dhexeeya Iiraan, Mareykanka iyo Israa’iil oo dhinac ah. Wararka kasoo baxaya dhinacyada is haya ayaa tilmaamaya in ay jiraan weerarro iyo jawaabo milatari oo isdaba joog ah, iyadoo weli ay socoto qiimeynta khasaaraha ka dhashay.

Saameynta colaaddan ayaa sidoo kale gaartay ganacsiga iyo isu socodka gobolka Khaliijka, waxaana la soo werinayaa carqalado ku yimid duulimaadyada, dekedaha iyo dhaqdhaqaaqa maraakiibta shidaalka, xilli walaac laga muujinayo amniga marinka Hormuz.

Howlgalka ayaa weli socda, waxaana la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan halka uu ka dhacay khasaarahan iyo xaaladda guud ee amniga gobolka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard