Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Turkiga oo wacad ku maray in uusan Israa’iil u ogolaan doonin in ay Soomaaliya… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Turkiga oo wacad ku maray in uusan Israa’iil u ogolaan doonin in ay Soomaaliya…


Ankara (Adduun.com) — Madaxa Agaasinka Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga, Burhanettin Duran ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Ankara aysan marnaba oggolaan doonin in gardarrada iyo is-ballaarinta Israa’iil ay ku fido gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Isagoo ka hadlayay madal falanqeyn ah oo lagu qabtay caasimadda Ankara, taas oo cinwaankeedu ahaa “Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ee ku dhex jira Isbeddelka Caalamiga ah,” ayuu Duran xusay in isku day kasta oo lagu carqaladeynayo madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya uu yahay mid aan la aqbali karin.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Turkigu uu maanta garab taagan yahay Soomaaliya si la mid ah sidii uu taariikhda u garab istaagi jiray.

Turkiga ayaa ah saaxiib dhow oo ay Soomaaliya leedahay, iyadoo xiriirkooda diblomaasiyadeed uu soo bilowday 60 sano ka hor, balse labaatankii sano ee u dambeeyay ay Ankara si weyn u ballaarisay saameynteeda Geeska Afrika.

Aqoonsiga ay Israa’iil dhowaan siisay maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland ayaa si weyn uga careysiiyay Turkiga, kaas oo si adag uga soo horjeeda damaca is-ballaarinta goboleed ee Israa’iil iyo xasuuqa ay ka waddo marinka Qasa.

Agaasime Duran ayaa caddeeyay in masiirka Geeska Afrika ay tahay in lagu saleeyo xasilooni iyo nabad, balse aan lagu hagi karin isquujin iyo qasab.

Wuxuu tilmaamay in Turkiga uu leeyahay hal mabda’ oo aasaasi ah, kaas oo ah in aysan marnaba oggolaan doonin isku dayada la doonayo in lagu kala qaybiyo Soomaaliya, isagoo si furan u sheegay inay kasoo horjeedaan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.

Bishii Diseembar ee sanadkii tegay, Israa’iil ayaa noqotay dalkii ugu horreeyay caalamka ee aqoonsada madax-bannaanida uu sheegto maamulka Somaliland, oo ah yool ay xukuumadda Hargeysa baadi-goobaysay tan iyo sanadkii 1991-kii markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

Si kastaba ha ahaatee, Dowladda Federaalka ah ee Muqdisho iyo hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay ayaa wali Somaliland u arka qayb ma guurto ah oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxyar kadib markii ay Israa’iil ku dhawaaqday aqoonsigaas, baraha bulshada ayaa waxaa qabsaday sawirada rag iyo dumar reer Somaliland ah oo lulaya calanka Israa’iil, iyadoo xitaa la arkayay haweeney calankaas u xiratay qaab xijaab ahaan ah.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tallaabadan ku sifeeyay xadgudubkii ugu weynaa ee loo geysto madax-bannaanida Soomaaliya iyo halis weyn oo ku wajahan amniga iyo xasiloonida dunida iyo gobolka intaba.

Midowga Afrika iyo inta badan waddamada Carabta ayaa iyaguna garab istaag u muujiyay dowladda Soomaaliya, iyagoo si wadajir ah u cambaareeyay go’aanka Israa’iil.

Dhanka dowladda Mareykanka, inkastoo Washington ay difaacday wax ay ugu yeertay xaqqa ay Israa’iil u leedahay inay aqoonsato Somaliland, haddana Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in uusan u badnayn inuu raaco wadadaas, in kasta oo uu cadaadis xooggan kala kulmayo xubno ka tirsan xisbigiisa Jamhuuriga.

Iskaashiga Soomaaliya iyo Turkiga

Shirkan ka dhacay Ankara ayaa waxaa sidoo kale hadalo miisaan leh ka jeediyay mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa dib u xusuusiyay madasha in Turkiga uu ahaa mid ka mid ah waddamadii ugu horreeyay ee aqoonsaday xorriyadda Soomaaliya sanadkii 1960-kii. Wuxuu xusay in Soomaalidu ay waligood Turkiga u arkayeen saaxiibo dhab ah oo garab taagan xilliyada adag.

Wasiirka ayaa tusaale u soo qaatay in safarkii Madaxweyne Erdoğan uu ku yimid Muqdisho sanadkii 2011 uu beddelay diiwaanka taariikhda, maadaama uu yimid xilli dunida inteeda kale ay dhabarka u jeedisay Soomaaliya, uuna rajo geliyay dal la aaminsanaa in uusan dib u soo kaban karin.

Sidoo kale, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa isna sheegay in iskaashiga labada dal uu yahay mid istaraatiijiyadeed oo xididdo dheer leh. Wuxuu carrabka ku dhuftay wada-shaqeynta dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga badda iyo tamarta.

Wasiir Daa’uud ayaa iftiimiyay in Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, ayna Turkiga kala shaqeynayaan sidii xeebtaas looga beddeli lahaa goob jilicsan oo halis badan loogana dhigi lahaa il kheyraad oo dhaqaale abuura.

Wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay in la diyaariyay iskaashi ballaaran oo ku aaddan soo saarista kheyraadka berriga iyo badda, isagoo xusay mashaariicda sahanka biyaha moolka dheer ee qorshaysan in la fuliyo sanadkan gudihiisa.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard