Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Turkiga ayaa maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya ku wareejisay qalab ciidan oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad.
Qalabkan ayaa waxaa la kala wareegay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya iyo Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, S/Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Amniga Gudaha, Yuusuf Cali iyo mas’uuliyiin kale.
Qalabkan oo lagu wareejiyey munaasabad ka dhacday xarunta Ciidanka Harmacad ayaa la sheegay inuu yahay mid casri ah, isla markaana kor u qaadaya awoodda howlgal, tababar iyo u diyaargarowga cutubka, kaas oo dhowaan soo dhammaystay tababar sare oo lagu xoojinayey xirfadaha amni iyo la dagaallanka argagixisada.
Mas’uuliyiintan ayaa uga mahadceliyey Dowladda Turkiga taageerada ay siiso hay’adaha amniga Soomaaliya, iyagoo xusay in qalabkani uu door weyn ka qaadan doono sugidda amniga iyo xasilloonida dalka.
Turkiga ayaa maalmihii dambe dalka keenayey saanad milatari, iyadoo garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ay dhowr jeer kasoo degtay diyaarad xamuul milatari oo ah nooca Airbus A400M Atlas.
Iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sii xoogeysanaya, iyadoo Ankara ay dhawaan Soomaaliya keentay diyaaradaha casriga ah ee dagaalka F-16.
Sidoo kale, Turkiga ayaa Soomaaliya u soo diray saraakiil ka kala socda Ciidamada Cirka, Badda iyo Lugta, kuwaas oo door ka qaadanaya xoojinta wada shaqeynta milatari ee labada dhinac.
Ankara ayaa sidoo kale xoojisay joogitaankeeda milatari ee Soomaaliya, iyadoo maraakiib casri ah ay ku sugan yihiin biyaha dalka. Maraakiibtaasi ayaa la sheegay inay ka qeyb qaadanayaan ilaalinta shidaalka la soo saarayo, xeryaha la dhisayo iyo xarunta dayax-gacmeedka ee haatan lagu howlan yahay.







SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
