Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Turkiga oo dhinac u riday dagaalkii Al-Shabaab iyo DF oo gaartay guulo culus - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Turkiga oo dhinac u riday dagaalkii Al-Shabaab iyo DF oo gaartay guulo culus


Ankara (Adduun.com) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in taageerada milateri ee dowladda Turkiga ay isbeddel weyn ka samaysay furumaha dagaalka, iyadoo u sahashay Ciidanka Xoogga Dalka in ay guulo wax-ku-ool ah ka gaaraan hawlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac, oo waraysi gaar ah siiyay wargeyska Cumhuriyet ee ka soo baxa dalka Turkiga, ayaa caddeeyay in taageerada joogtada ah ee Ankara ay horseedday in ciidamada dowladda ay la wareegaan deegaano hor leh, isla markaana ay khaarajiyaan horjoogeyaal sar-sare oo ka tirsan Al-Shabaab.

Joogitaanka milateri ee Turkiga ee Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay si xowli ah u kordhayay, arrintaas oo salka ku haysa heshiiskii difaaca iyo dhaqaalaha ee labada dal ay kala saxiixdeen horraantii sanadkii 2024.

Sida ay xaqiijinayaan ilo-wareedyo dhanka amniga ah, dabayaaqadii bishii Janaayo waxaa magaalada Muqdisho laga dejiyay diyaaradaha dagaalka ee F-16, kuwaas oo ay wadaan duuliyeyaal ka tirsan Ciidamada Cirka Turkiga. Sidoo kale, dekadda weyn ee Muqdisho ayaa dhowaan laga soo dejiyay taankiyo casri ah oo uu Turkigu leeyahay.

Inkastoo Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ay arrintan ku tilmaamtay mid lagu xoojinayo la-dagaalanka argagixisada iyo tayeynta ciidamada gaarka ah ee Gorgor ee lagu tababaro xerada Camp TURKSOM, falanqeeyayaasha amniga ayaa aaminsan in daabuliddani ay sidoo kale la xiriirto ilaalinta maalgashiga tamareed ee Ankara ee badda Soomaaliya.

Dhanka kale, Turkiga ayaa si adag u beeniyay warar warbaahinta qaar ay baahiyeen oo sheegayay in nidaamka gantaalaha difaaca cirka ee Ruushka laga soo iibiyay ee S-400 la geynayo Soomaaliya.

Wasaaradda Gaashaandhigga Turkiga ayaa wararkaas ku tilmaamtay “kuwo aan sal iyo raad toona lahayn”, iyadoo xustay in gantaalahaas loogu talagalay difaaca gudaha Turkiga oo kaliya.

Iskaashiga labada dal ma ahan mid ku kooban amniga. Wasiir Daa’uud ayaa iftiimiyay isbeddelka dhaqaale ee soo socda, isagoo sheegay in markabka mool-qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu kusoo wajahan yahay xeebaha Soomaaliya.

“Imaatinka markabkan wuxuu inoo soo dhaweyn doonaa inaan ka mid noqono dalalka soo saara saliidda ee caalamka,” ayuu yiri Wasiirku.

Markabkan oo 15-kii Febraayo ka soo shiraacday dekedda Taşucu ee Turkiga, islamarkaana ay galbinayaan saddex markab dagaal, ayaa la filayaa inuu bisha Abriil shidaal-qodis tijaabo ah ka bilaabo ceelka loo bixiyay Curad-1.

Dadaalladan ayaa ku soo beegmaya xilli Soomaaliya ay sare u qaadday maqaamkeeda dublamaasiyadeed.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard