Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Trump oo si xun u bah-dilay Maxamed Bin Salmaan - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Trump oo si xun u bah-dilay Maxamed Bin Salmaan


Miami (Adduun.com) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, oo sheeganaya in dalalka Carabta ay si dhow ugala shaqeynayaan Washington dagaalka socda ee ka dhanka ah Iiraan, ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Binu Salmaan uu ugu dambeyntii ku qasbanaaday “inuu dabada iga dhunkado.”

Isaga oo ka hadlayay shirka Hindisaha Maalgashiga Mustaqbalka (Future Investment Initiative) ee ka dhacay gobolka Florida, ayuu Trump faahfaahiyay sheegashadaas, isaga oo dib u xasuustay wada-hadal uu sheegay inuu la yeeshay mas’uulkan sare ee qoyska boqortooyada Sacuudiga, kaas oo ku saabsanaa soo nooleynta awoodda Mareykanka ee hoos timaada madaxweynenimadiisa.

“Wuxuu yiri, waad ogtahay, waa arrin layaab leh… sanad ka hor, waxaad ahaydeen dal dhintay. Hadda, waxaad tihiin dalka ugu saameynta badan meel kasta oo caalamka ah,” ayuu yiri Trump.

Trump ayaa intaas kadib si toos ah u xiriiriyay qiimeyntaas iyo sida uu u arko xiriirka hadda kala dhexeeya xukuumadda Riyadh, isaga oo si buuxda u soo celceliyay hadalkiisa. “Ma uusan u maleyneynin in tani ay dhaceyso… ma uusan u maleyneynin inuu dabada iga dhunkan doono… wuxuu u maleynayay inaan ahay uun madaxweyne kale oo Mareykan ah oo fashilmay… balse hadda waa inuu si wanaagsan iila dhaqmo,” ayuu yiri.

Hadalkaas ayuu ku xijiyay ammaan uu u soo jeediyay dhaxal-sugaha Sacuudiga, isaga oo ku tilmaamay “nin cajiib ah” iyo “dagaalyahan,” wuxuuna sheegay in Boqortooyadu ay “si weyn ugu faani karto” hoggaamintiisa.

Trump ayaa sheegay in Sacuudi Carabiya ay garab istaagtay Mareykanka intii uu socday iska horimaadkii lagula jiro Iiraan, iyada oo ay wehliyaan saaxiibada kale ee Khaliijka.

“Sacuudi Carabiya waa dagaalantay, Qatar waa dagaalantay, Imaaraadka waa dagaalamay, Baxreyn waa dagaalantay, Kuweyd-na waa dagaalantay,” ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in ay “na garab taagnaayeen… way na garab taagnaayeen.”

Hadalladan ayaa imaanaya iyada oo ku dhawaad bil uu socdo ololaha milatari ee Mareykanka iyo Israa’iil ay wadajirka ugu qaadeen Iiraan, kaas oo billowday 28-kii Febraayo, kadib weeraro ballaaran oo lala beegsaday kaabayaasha milatari iyo kuwa nukliyeerka ee Iiraan.

Iiraan ayaa si dhaqso ah iska horimaadka ugu baahisay gobolka, iyada oo xukuumadda Tehran ay gantaalo iyo diyaarado aan duuliye lahayn (Drones) ku weerartay ma aha oo kaliya Israa’iil, balse sidoo kale dhowr dal oo ka tirsan Khaliijka oo martigeliya saldhigyada milatari ee Mareykanka.

In kasta oo la weeraray, dalalka Khaliijka ayaan si rasmi ah ugu biirin dagaalka. Taa beddelkeeda, waxay fagaaraha ka muujiyeen taxadar, iyaga oo ka walwalsan khatarta aargoosiga iyo saameynta ballaaran ee dhaqaale, gaar ahaan khalkhal gelinta kaabayaasha tamarta iyo Marinka Hormuz.

Si kastaba ha ahaatee, sida ay sheegayaan warbixino warbaahineed qaar, dalalka Khaliijka, gaar ahaan Imaaraadka Carabta iyo Sacuudi Carabiya, ayaa Trump ku dhiiragelinayay inuu sii wado dagaalka si loo burburiyo awoodda milatari ee Iiraan. Iyada oo laga duulayo xaaladdaas, Trump ayaa Jimcihii ku tilmaamay in ay yihiin saaxiibo si dhab ah uga qeyb qaadanaya ololaha.

Wuxuu magacaabay Amiirka Qadar Sheekh Tamiim Binu Xamad Al Thani iyo Madaxweynaha Imaaraadka Sheekh Maxamed Binu Saayid Al Nahyan isaga oo garab dhigay dhaxal-sugaha Sacuudiga, wuxuuna ku tilmaamay “saddex qof oo waaweyn” oo “weeraro culus la kulmay” balse weli la safan Washington.

Dhanka kale, Trump ayaa doorka dalalkan barbar dhigay xulafada NATO, isaga oo yiri, “Aad ayaan uga niyad jabnay… NATO. May iman si ay noo caawiyaan”, wuxuuna intaas ku daray in dalalka Khaliijka ay sameeyeen “si caddaalad ah haddii loo hadlo… wax ka badan inta ay NATO sameysay”.

Wuxuu sidoo kale iskaashiga siyaasadeed la xiriiriyay xiriirka dhaqaale, isaga oo farta ku fiiqay ballanqaadyada maalgashi ee Sacuudiga iyo heshiisyada difaaca, isaga oo ugu baaqay Riyadh in ay ku soo biirto Heshiisyada Abraham (Abraham Accords). “Hadda waa waqtigii… hadda waan ka takhalusnay iyaga [Iiraan]… waa inaan galnaa Heshiisyada Abraham,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii, Trump ayaa muujiyay inuu doonayo in dhaxalkiisa lagu xasuusto inuu yahay “nabad-doon weyn”, isaga oo sheegtay inuu horay u “xalliyay siddeed dagaal” uuna yahay qofka rasmiga ah ee mudan in la siiyo Abaalmarinta Nabadda ee Nobel-ka (Nobel Peace Prize).

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard