Washington (Adduun.com) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku hanjabay inuu ka aargudan doono ah askarta Mareykanka looga dilay howlgalka ka dhanka ah Iiraan.
Wuxuu caddeeyay in weerarrada milatari ee billowday Sabtidii aysan istaagi doonin, isla markaana ay sii socon doonaan. Hadalkan ayuu ku baahiyay muuqaal hore loo duubay oo uu ku daabacay bartiisa Truth Social.
Mareykanka ayaa illaa hadda dagaalka looga dilay saddex askari, halka shan kale ay soo gaareen dhaawacyo culus, sida uu xaqiijiyay Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM).
Taliska ayaa sidoo kale sheegay in askar kale ay qabaan dhaawacyo fudud, oo ay ku jiraan dhaawacyo ka dhashay firirka walxaha qarxa iyo miyir-beel, kuwaas oo la filayo in dib loogu celiyo shaqada marka xaaladdooda la qiimeeyo.
Madaxweyne Trump ayaa wareysi uu siiyay warbaahinta CNBC ku sheegay in howlgalka ciidamada Mareykanka uu ka hormaray jadwalkii loo dejiyay, taasoo uu ku tilmaamay mid muujinaysa in weerarradu u socdaan sidii loo qorsheeyay.
Arrintan ayaa timid iyadoo xiisaddu cirka isku sii shareerayso, kaddib weerarro ay si wadajir ah u qaadeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Duqeymahaasi waxay sababeen dhimashada hoggaamiyihii ruuxiga ahaa ee Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei, taasoo si weyn u gilgishay Jamhuuriyadda Islaamiga ah tan iyo kacaankii 1979-kii. Geeridiisa ayaa si degdeg ah u dhalisay falcelin milatari oo ka timid Tehran, iyadoo Iiraan ay billowday weerarro aargoosi ah.
Wararka ayaa tilmaamaya in habeenkii Sabtida la qaaday weerarro culus, kaddib markii Iiraan ay diiday dalabyo uga yimid Mareykanka oo ku saabsanaa dhimista ama xaddididda barnaamijkeeda nukliyeerka. Tani waxay sii hurisay khilaaf muddo soo jiitamayay oo u dhexeeyay labada dal.
Dhanka kale, Kongareeska Mareykanka ayaa la filayaa inuu toddobaadka soo socda ka doodo, isla markaana u codeeyo qaraar la xiriira awoodaha dagaalka, si loo caddeeyo doorka sharci ee howlgalka socda.
Tallaabadan waxay muujinaysaa dood siyaasadeed oo ka dhex aloosan Washington oo ku saabsan baaxadda iyo muddada uu socon doono dagaalku.
Colaaddan ayaa saameyn ballaaran ku yeelatay suuqyada caalamka, iyadoo la baajiyay kumannaan duulimaad tan iyo markii uu dagaalku billowday.
Sidoo kale, shirkadaha caymiska ayaa kordhiyay khidmadaha caymiska maraakiibta shidaalka ee mara marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Hormuz, taasoo sare u qaadday qiimaha saliidda.
Hoggaamiyeyaasha gobolka iyo quwadaha caalamka ayaa si dhow ula socda jihada ay xaaladdu u jiheysan doonto, iyagoo is weydiinaya in dagaalku ku ekaan doono gudaha Iiraan iyo in kale. Waxaa kaloo la eegayaa in isbeddelka hoggaanka Tehran uu keeni doono siyaasad cusub ama uu sii adkeyn doono mowqifka dowladda Iiraan.
SIRDOON & QISO
Qisada Ninkii Siliga ku dilay Xaaskiisa | Qisadeena Labaad
SIRDOON & QISO
Basaasadii Cuuryaanka aheyd | Virginia Hall |
SIRDOON & QISO
Basaasadii Masar ku beertay ciidanka ISR |
SIRDOON & QISO
Shabakadii BASAAS ee Kalkaalisada ka aheyd ka GAZA |
