Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Trump oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Trump oo ku dhowaaqay go’aan ka dhan ah Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib


Washington (Adduun.com) – Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump oo qoraal ku shaaciyay bartiisa Truth Social ayaa ku dhowaaqay go’aan culus oo ka dhan ah labada Xildhibaan ee sida wayn uga soo horjeedo Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib, kadib dhacdadii qabsatay Golaha Congress-ka.

Trump ayaa labadaasi Xildhibaan ku tilmaamay inay yihiin kuwa ugu xun ee golaha, ayna ka shaqeyn ayaan kharribaadfa Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ku xadgubbeen sharciga sidaas daraadeena uu ku baaqayo I  laga tarxiilo dalkaasi.

“Markaad eegto Ilhan Omar iyo Rashida Tlaib, oo xalay si aan la xakameyn karin ugu qaylinayay munaasabaddii quruxda badnayd ee State of the Union, iyadoo la ogyahay inay yihiin siyaasiyiin kharriban oo dalkeenna u xun, waa inaan dib ugu celinnaa halkii ay ka yimaadeen sida ugu dhakhsaha badan.” ayuu yiri Trump.

Madaxweynaha Dalka Mareykanka ayaa Arbacadii hadallo deelqaaf ah si gaar ah ula beegsaday Ilhan Omar iyo bulshada Soomaalida xilli uu khudbad uu jeedinay Golaha Congress-ka, wuxuuna sheegay in ‘burcadbadeed Soomaaliyeed’ ay u soo dhaceen gobolka Minnesota, kadibna ay ka dhaceen 19 bilyan oo doolar.

Intaas kadib waxaa tallaabo geesinimo leh qaaday Ilhaan Cumar oo kulanka fadhisay, waxayna si deg-deg ah uga jawaabtay gefka uu Trump u gaystay Soomaalida ku dhaqan dalka Mareykanka, iyada oo ku qeylisay inuu beenaale madaxweynaha.

Arrintaas ayaa keentay in jawiga kulanka uu isbeddalo, isla markaana uu buuq ka dhashay meesha, kadib qaylada Ilhaan ee ka dhanka ah Trump oo isagu weerar afka ah ku qaaday bulshada Soomaalida ee ku nool gobolka Minnesota.

Horay Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa u sheegtay in hadallada kulul ee madaxweyne Trump la beegsanayo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Minnesota aanay wax kale ahayn, balse ay tahay xeelad siyaasadeed oo lagu indho-sarcaadinayo shacabka dalka Mareykanka.

Waxaa kale oo ay intaasi ku dartay in tallaabadan uu ku qarinayo fashilka maamulkiisa iyo dhibaatooyinka sharciga ah ee haysta, isagoo adeegsanaya luuqad naceyb xambaarsan si uu dareenka dadweynaha u jeediyo.

Inkastoo hadallada madaxweynuhu ay abuureen jahawareer iyo qalqal, haddana Ilhaan waxay sheegtay in bulshadeedu ay is-garab taagan tahay, mana aha kuwo cagajugleyn lagu cabsigelin karo.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard