Tel Aviv (Adduun.com) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha gudaha Israa’iil ka geysteen duqeymaha Iran iyo Xizbullah, kuwaas oo maalmihii dambe si aad ah loo qarinayay.
Bayaan ay wasaaradda caafimaadka ee Israa’iil ku daabacday Telegram ayaa lagu sheegay in tirada guud ee dadka dhaawacmay tan iyo markii uu billowday howl-galka “Lion’s Roar” ay gaartay 1,619 qof.
Waxaa la sheegay in ugu yaraan 40 qof ay ku dhaawacmeen gudaha Israa’iil hal maalin gudaheed, halka 10 qof lagu dilay goobaha ay gantaalladu ku dhaceen tan iyo markii uu billowday weerarka.
Sidoo kale, wasaaradda ayaa sheegtay in 140 qof la dhigay isbitaallada 24-kii saac ee la soo dhaafay, kadib weerarro la xiriira iska horimaadka u dhexeeya Iran iyo ururka Xizbullah.
Dadka dhaawacmay ayaa isugu jira xaalado kala duwan, iyadoo hal qof uu qabo dhaawac culus, halka 19 kale ay qabaan dhaawacyo dhexdhexaad ah.
Sidoo kale, 114 qof ayaa qaba dhaawacyo fudud, halka afar kale ay la kulmeen xaalado argagax iyo cabsi xooggan oo loo yaqaan panic attacks iyo laba qof oo weli xaaladdooda caafimaad la qiimeynayo
Dadkaas ayaa la geeyay isbitaallada dalka, sida ku cad xogta la diiwaangeliyay ilaa subaxnimadii Jimcaha, 6-da Maarso.
Dhanka kale, adeegga ambalaasta Israa’iil ayaa sheegay in 502 qof oo dhaawac ah loo qaaday isbitaallada intii lagu jiray toddobaadkii ugu horreeyay ee dagaalka, halka 138 qof ay ku dhaawacmeen goobaha ay gantaalladu ku dhaceen.
Si kastaba, weerarada cirka ee Bariga Dhexe ayaa socda maalinkii toddobaad oo xiriir ah, iyagoo si weyn saamayn ugu yeesheen suuqyada caalamka.
