Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Tirada dadka ku dhintay magaalada Nairobi oo korortay - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Tirada dadka ku dhintay magaalada Nairobi oo korortay


Nairobi (Adduun.com) – Waxaa weli sii kordhaya khasaaraha dhimashada, dhaawaca iyo burburka ee ka dhashay roobab mahiigan ah oo habeen kahor ka da’ay magaalada Nairobi ee caasimada waddanka Kenya.

Roobabka ayaa dhaliyay khasaare baaxad leh, waxaana ay saameeyeen waddooyinka waa wayn iyo xaafadaha, iyadoo xaaladda ay faraha ka baxday.

Booliska Kenya oo weli wada gurmad ayaa haatan meelo kala duwan ka soo helay meydad horleh, taas oo kordhisay tirada dhimashada oo gaartay 23 qof.

Sidoo kale, wuxuu Boolisku sheegay in tirada ay intaasi kasii badan karo, maadaama dad badan  lagu la’yahay raq iyo ruux intaba, kuwaas oo ehelladooda ay ka baafinayaan baraha bulshada ee Internet-ka.

Khasaaraha ayaa waxaa sii badiyay markii ay biyuhu u gubeen xaafadaha Nairobi, waxaana sidoo kale xirmay biyo mariinadii waddooyinka Nairobi.

Xaafadda Islii oo ay ku badan tahay Soomaalida ayaa kamid ah meelaha ay ka jiraan xaaladaha adag, balse ilaa iyo hadda wax dhimasho ah lagama soo warin.

Dhinaca kale, ciidanka Milatariga Kenya oo watay gaadiidka waa wayn ayaa ka qayb-qaatay howlaha samatabixinta, waxaana la arkayay iyaga oo dadka liita ku qaadayay dhabarkooda, kadibna gawaaridooda ku geeyay meelo nabdoon.

Is-maamulka Nairobi ayaa waxaa si weyn loogu dhaleeceynayaan inuu wax ka qaban waysay dhibaatada adag ee haatan ka taagan magaaladaasi, isla markaana uu indhaha laga laabtay roobabkan oo horay looga sii dagay.

Si kastaba, roobabka ayaa la saadaalinayaa inay sii socdaan, iyadoo Hay’adda Laanqeyrta Cas ee Kenya ay si joogta ah u direyso farriimo la xiriira halista ka imaan karta roobabka da’aya iyo inay ka taxadaraan dadka shacabka ah.

 

23 rux meydad kala kaso heya lamaana, dadka wlei raq iyo ruux lag l’ahay

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard