Connect with us

News

Tallaabo uu qaaday Xasan Sheekh oo dhalisay falcelin xooggan + Sawirro


Muqdisho (Adduun Onine) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay booqasho kadis ah ku tegay goobaha nasiinada ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kula caweeyay, qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa goobaha uu tegay kula kulmay shacab ku caweynayay halkaas, isaga oo waqti fiican la qaatay, isla markaana ka dhageystay talooyinkooda ku aadan xaaladda guud ee dalka.

Sidoo kale wuxuu ku bogaadiyay doorka wanaagsan ee ay ka qaataan ilaalinta nabadgalyada, is dhex galka bulshada, dib-u-dhiska iyo horumarka dalka.

Haddaba sidee looga falceliyay tallaabada madaxweynaha oo kusoo aaday xilli xasaasi ah, dhinaca kalena direysa farriin la xiriira amniga caasimada?

Axmed Abuukar: ” Madaxweyne iyo shacabkiisa waqti wada waadanayaan Alhamdullhi. Allah nabadda ha’inoo siyaadiyo”.

Cabdullahi Toosane: “Xamar amni maahan kuwii lahaa caawa kadib maxey dhihi rabaan?”.

Cabdiraxmaan Koronto: “Kala wanaagsan ninka maqaayadda faynuus uso dalxiis tagey ,iyo midka Talaabiib dhuumashada ku aada”.

Nageeye Xasan: “Fariintaan waxay ku socotaa Deni iyo Axmed Madoobe oo doonaya inay Xamar hub kusoo galaan”.

Bashiir Cabdullahi: “Alxamdulilaah Allahii nasiiyay nabadaan ayaa mahad leh Ilaahow waxa naga dhiman noo dhamaystir guulayso mudane madaxweyne”.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News