Muqdisho (Adduun.com) – Taliska Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa Axaddii isbeddal wayn ku sameeyay dhammaan taliyeyaashii guutooyinka ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Gorgor, kuwaas oo uu si heer sare ah usoo tababaray Turkiga.
Sida ay ogaatay Adduun.com, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa xilalkii ka qaaday taliyeyaasha afarta guuto ee Ciidanka Kumaandooska Gorgor, isaga oo soo magacaabay kuwa cusub.
1- Taliyaha Guutada 17-aad waxaa loo magacaabay Gaashaanle Xuseen Moolif, waxaana xilkaas laga qaaday Gaashaanle Dhexe Mahad Khaliif Nageeye.
2-Taliyaha Guutada 18-aad waxaa loo magacaabay Gaashaanle Dhexe Aadan Maxamed Faarax, wuxuuna beddalay Gaashaanle Maxamed Cumar Anwar.
3-Taliyaha cusub ee Guutada 19-aad waxaa loo magacaabay Gaashaanle Cabdullahi Galmadoobe, iyada oo laga qaaday Gaashaanle Dhexe Cabdullahi Cosoble.
4-Taliyaha Guutada 20-aad waxaa isna loo magacaabay Katan Taajudiin oo lagu beddalay Gaashaanle Dhexe Maxamed Sheekh.
Isbeddalkan ayaa yimid, kadib soo jeedin ka timid taliyaha ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo hormuud ah howlgallada xoreynta ee dalka.
Sidoo kale taliyeyaasha la magacaabay ayaa la faray inay si deg-deg ah xilka u wareegaan, isla markaana ay dardargeliyaan shaqada loo igmaday, gaar ahaan dagaalka adag ee lagula jiro kooxda Al-Shabaab.
Si kastaba ha’ahaatee, tallaabadan ayaa ah tii igu horreysay ee uu qaaday Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeyo Guuto Ibraahim Maxamed, tan iyo markii uu xilka kala wareegay Sarreeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage.
