Muqdisho (Adduun.com) – Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad ayaa caawa la afuray ciidamada ku sugan deegaanka Dhanaane ee gobolla Shabeellaha Hoose, halkaas oo uu u tagay kormeer iyo dhiirrigelin ku aaddan howlgalka ka dhanka ah argagixisada.
Agaasimaha ayaa ciidamada uga mahadceliyay dadaalka iyo naf-hurnimada ay muujiyeen intii lagu jiray bisha barakeysan ee Ramadaan ee ku aaddan sugidda amniga caasimadda, degmooyinka iyo deegaanada ku xeeran.
Agaasimaha ayaa si gaar ah u bogaadiyay qeybaha kala duwan ee ciiidamada qalabka Sida, kuwaas oo iyagoo sooman haddana habeen iyo maalin u taagnaa xoreynta dalka iyo xaqiijinta amniga guud ee qaranka.
Sidoo kale wuxuu xusay in heegankooda joogtada ah uu suurageliyay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay si deggenaan iyo kalsooni leh u gutaan cibaadooyinkooda.
Agaasime Mahad Salaad ayaa caddeeyey in ciidamada qaranku yihiin tiirka lagu ilaaliyo jiritaanka iyo sharafta qaranka, isla markaana ay mudan yihiin qadarin iyo garab istaag joogto ah, si loo sii xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka, Jeneraalka Sahal Cabudllahi Cumar iyo saraakiil ka tirsan ciidamada NISA, booliska iyo boolis-militeri ayaa Agaasime Mahad Salaad kala qeyb-galay kulankaan uu kula afuray ciidamada qaranka ee deegaanada fog ka suga amniga caasimadda Muqdisho.
Xogta qorshaha socda
Warar hoose ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamo dheeraad ah loo diray dhinaca Baraawe, si ay iskugu furaan Xamar ilaa Baraawe, ugana sameystaan saldhig cusub.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa sida dowladda ay uga go’an tahay xoojinta joogitaanka ciidamada ee deegaannada muhiimka ah.
Qorshahan ayaa sidoo kale loo fasiray inuu yahay “Plan B” oo ay dowladda diyaarsatay, iyadoo Baraawe loo arko meel laga qaadi karo howlgalka haddii xaaladda Baydhabo ay sii adkaato.
Tani waxay muujineysaa in dowladda ay ka shaqeyneyso laba waji oo istaraatiijiyadeed si loo xakameeyo xaaladda kala soo darsi karta maamulka Koonfur Galbeed, oo isagu ku dhawaaqay inuu xiriirkii u jaray Dowladda Federaalka.
Dhanka kale, waxaa isa soo taraya xogaha tilmaamaya in dowladda ay go’aansatay in sida ugu dhaqsiyaha badan xilka looga tuuro Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta-Gareen, iyadoo tallaabooyin siyaasadeed iyo kuwo amni labadaba la qorsheynayo.
Waxaa sidoo kale la hadal hayaa in Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Sheekh Aadan Madoobe uu yahay musharraxa ay dowladda wadato, taasoo sii adkeyneysa xiisadda siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.
Musharaxan ayaa saameyn ku lahaa gudaha deegaannada maamulka Koonfur Galbeed, isagoo hore dhowr jeer dhex-dhexaadiyay Cabdicasiis Lafta-Gareen iyo Xasan Sheekh Maxamuud.
Xogaha soo baxaya ayaa tilmaamaya in tallaabooyinkan ay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo dowladda ay ku doonayso in ay ku xakameyso siyaasadda Koonfur Galbeed, xilli dalka ka taagan yahay xiisad siyaasadeed oo ka dhalatay wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashada.
Si kastaba, arrimahan ayaa muujinaya in loollanka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed uu galay marxalad cusub oo aad u xasaasi ah, maadaama la sheegayo in ciidamada iyo saraakiisha dowladda ay diyaar u yihiin in ay tallaabo kasta qaadaan si loo xaqiijiyo qorshayaasha dowladda dhexe.













