Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Taliyaha cusub ee ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Taliyaha cusub ee ciidanka Cirka Soomaaliya oo maanta xilka la wareegay + Sawirro


Muqdisho (Adduun.com) – Taliyaha cusub ee ciidanka Cirka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji (Eritrea) ayaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo uu goobjoog ahaa kaaliyaha taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Jeneral Maadey Nuurey Sheekh.

Munaasibadda xil-wareejinta ayaa waxaa sidoo kale ku sugnaa qaar ka mid ah  talisyada maamul ee ciidanka Xoogga Dalka, hoggaannada taliska guud iyo saraakiil kale oo ka soo qeyb-galay xil-wareejinta.

Jeneraal Maadey Nuurey Sheekh ayaa si rasmi ah xilalka ugu kala wareejiyey ku simaha taliyaha ciidanka Cirka ahaana kaaliyaha taliska Cirka Gaashaanle Sare Cali Ibraahim Cabdi iyo taliyaha cusub ee ciidanka Cirka Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Eritrea oo uu dhawaan soo magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh.

Jeneraal Cabdirisaaq ayaa ka mid ahaa saraakiishii gacanta ku haysay malafka ciidamada qalabka sida ee tababarka loogu diray dalka Eritrea.

Sarkaalkan ayaa lagu tilmaamay mid hawl-kar ah oo si wanaagsan u yaqaanna nidaamka ciidamada, waxaana la rumeysan yahay inuu door muhiim ah ka qaadan doono tayeynta iyo dib-u-habeynta Ciidanka Cirka.

Sanadihii u dambeeyay, dib-u-soo-kabashada iyo awoodda howlgal ee Ciidanka Cirka ayaa si weyn u kordhay, iyadoo la helay diyaarado iyo qalab muhiim ah oo ka qeyb qaata sugidda iyo sare u qaadista awooddooda.

Soomaaliya ayaa haatan haysata diyaarado dagaal oo intooda badan laga keenay Turkiga, kuwaas oo ay kaxeeyaan duuliyayaal Soomaali ah oo dhallinyaro ah, kuwaas oo dibadda lagu soo tababaray.

Waxaa sidoo kale qorshuhu yahay in dhowaan la keeno diyaarado cusub oo dheeraad ah, si loo xoojiyo awoodda Ciidanka Cirka iyo doorkooda difaaca dalka.

Si kastaba ha’ahaatee, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe xoogga saartay horumarinta Ciidanka Cirka iyo Ciidanka Badda, iyadoo taageero ka helaysa dalal kala duwan, gaar ahaan Turkiga, oo dalka keenay diyaarado casri ah oo lagu xoojiyay awoodda ciidamada.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard