Kismaayo (Adduun.com) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa maanta qaabilay Taliyaha Howl-gallada Gaarka ah ee Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimid Jubaland.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, gaar ahaan dardar-gelinta wada-shaqeynta la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada-hadlay sidii loo sii xoojin lahaa howl-gallada milatari ee lagu sugayo amniga iyo xasilloonida deegaannada maamulka Jubaland.
Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isla soo hadal qaaday taageerada ay bixiyaan ciidamada Mareykanka iyo taliska AFRICOM ee ku aaddan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo si joogto ah uga socda deegaanno ka tirsan Jubaland iyo gobollada ku dhow.
Taliyaha Howl-gallada Gaarka ah ee AFRICOM, Maj. Gen. Claude K. Tudor Jr., ayaa Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubaland, Axmed Madoobe ku maamuusay doorka uu ka qaatay howl-galladii u dambeeyay iyo wada-shaqeynta dhow ee uu la leeyahay taliska.
Sidoo kale wuxuu bogaadiyay howl-galladii ugu dambeeyay ee ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Jubaland iyo Ciidamada Kumaandooska Danab ee ka howlgala Jubaland, kuwaas oo lagu beegsaday saldhigyo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Waxa uu xusay in howl-galladaas lagu jabiyay maleeshiyaadka kooxda, isla markaana laga gaaray guulo wax ku ool ah oo wax ka beddelay xaaladda amni ee deegaannada qaar.
Taliyaha ayaa sidoo kale muujiyay in taliska AFRICOM uu sii wadi doono taageerada uu siiyo ciidamada Soomaaliyeed ee ku howlan la-dagaallanka kooxaha argagixisada.
Dhankiisa, Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa uga mahadceliyay wafdiga AFRICOM booqashada ay ku yimaadeen Jubaland, isagoo tilmaamay in iskaashiga u dhexeeya Jubaland, dowladda federaalka iyo saaxiibada caalamiga ah uu door muhiim ah ka ciyaarayo guulaha laga gaarayo howl-gallada amniga.
Madaxweynaha Jubaland waxaa kulanka ku wehelinayay Wasiirka Amniga Gudaha ee Jubaland, Yuusuf Xuseen Cismaan.










