Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Spain oo qaadatay mowqif ka dhan Mareykanka oo la xiriira dagaalka Iran - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Spain oo qaadatay mowqif ka dhan Mareykanka oo la xiriira dagaalka Iran


Madrid (Adduun.com) – Dowladda Spain ayaa si cad u diiday in hawadeeda iyo saldhigyadeeda milatari loo adeegsado weerarro uu Mareykanku ku qaado gudaha Iiraan, xilli uu sii fidayo dagaalka ka socda Bariga Dhexe.

Go’aankan ayaa yimid iyadoo xiisadda gobolka ay sii xoogeysaneyso, isla markaana dalal badan lagu cadaadinayo inay qaataan mowqif cad oo ku aaddan colaadda taagan.

Mareykanka ayaa saldhigyada Rota iyo Moron ee ku yaalla koonfurta Spain ka saaray illaa 15 diyaaradood oo ay leeyihiin ciidamada milatariga Mareykanka kaddib markii xukuumadda Madrid ay ku dhawaaqday in aan loo oggolaan doonin Washington inay dhulkeeda u adeegsato weerarro ka dhan ah Iiraan.

Bixitaanka diyaaradahaas ayaa lagu xaqiijiyay xog laga helay barta FlightRadar24, taasoo muujineysa in diyaaradaha Mareykanku si rasmi ah uga ambabaxeen Spain.

Diyaaradahan ayaa u badnaa nooca shidaalka siiya diyaaradaha dagaalka, gaar ahaan kuwa loo yaqaan KC-135 Stratotankers, kuwaas oo door muhiim ah ka qaata howlgal kasta oo cirka ah.

Wararka ayaa sheegaya in toddobo ka mid ah diyaaradahaasi ay ka dageen saldhigga Ramstein ee dalka Jarmalka, halka qaar kalena ay u duuleen dhanka koonfurta Faransiiska.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Spain, Jose Manuel Albares ayaa caddeeyay in dalkiisu uusan oggolaan doonin in saldhigyada milatari ee ku yaalla Spain, kuwaas oo si wadajir ah u maamula Mareykanka iyo Spain balse hoos taga madax-bannaanida Madrid loo adeegsado weerarro dhiig ku daato oo ka dhan ah Iiraan.

Waxa uu xusay in Spain ay ilaalinayso madax-bannaanideeda, isla markaana aysan qeyb ka noqon doonin tallaabo kasta oo sii hurin karta colaadda.

Spain ayaa si adag u cambaareysay weerarrada, iyadoo ku tilmaantay kuwo ka baxsan sharciga caalamiga ah isla markaana halis ku ah nabadda gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sánchez, ayaa isna ku sifeeyay duqeymaha ay Mareykanka iyo Israa’iil ka fuliyeen Iiraan kuwo khaldan oo horseedi kara xasillooni darro caalami ah.

Mowqifka Spain ayaa ka dhigay mid ka duwan qaar ka mid ah dalalka kale ee reer Yurub, sida Ingiriiska, kaas oo oggolaaday in saldhigyadiisa loo adeegsado waxa uu ku tilmaamay is-difaac wadajir ah, halka duqeymaha laga fuliyay gudaha Iiraan lagu soo waramayo inay ku dhinteen boqolaal ruux oo ay ku jiraan mas’uuliyiin sare, oo ugu sarreeyo hoggaamiyihii dalkaas, Ayatollaahi Cali Khamenei.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard