Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Soomaaliya oo markii ugu horreysay soo tababareysa ciidan ku duuli kara… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Soomaaliya oo markii ugu horreysay soo tababareysa ciidan ku duuli kara…


Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in markii ugu horreysay ay soo tababareyso ciidan ku duuli kara Baarashuut, si loo hormariyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sagootiyay cutub kamid ah ciidankan oo loo qaadayo tababar xagga dibadda ah, isagoo ka warramay ahmiyadda uu aqoon kororsigan u leeyahay Ciidanka Qaranka oo hadda sameynaya dib usoo kabasho wayn.

Jeneraal Ibraahim ayaa sheegay in lagama maarmaan ay tahay in ciidanka uu kasoo dhalaalo barashada aqoonta ee loogu talagalay in lagu dhiso xirfadaha ciidanimo, isagoo kula dardaarmay inay ka faa’iideystaan koorsadan muhiimka ah.

Taliyaha ayaa si gaar ah xusay in ciidamadan ay soo qaadan doonaan xirfado ku saabsan barashada Madallaadka ama waxa loo yaqaanno adeegga isticmaalka Baarashuutka ee looga soo dhaadhaco gaadiidka cirka, gaar ahaan diyaaradaha ciidamada, maadaa talisku helay diyaarado dagaal oo casri ah.

“Ciidanka Xoogga Dalka, Unit horay loo diray oo Baarashuut soo bartay ma jiro marka laga soo tego dowladdii dhexe waxaa tihiin cutubkii ugu horreeyay ee inta la diro oo fursaddaas helay” ayuu yiri Taliyuhu.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray “Waa muhiim in aad go’aamisaan fursadaha ay heli doonaan ciidanka idinka dambeeya ee loo qaadayo dibadaha”.

Sidoo kale, wuxuu qiray in tababarkan aqoon kororsiga ah uu yahay mid culus oo u baahan ad-adeeg iyo dulqaad, isagoo ciidanka faray in waji furfuran ay kula dhaqmaan ciidamada shisheeye ee ay la qaadan doonaan tababrkaasi.

Si kastaba, Soomaaliya, ayaa xilligan meel wanaagsan ka gaartay dhismaha ciidamada, waxaana ka caawiyay dowlado waa wayn, sida Mareykanka, Turkiga iyo kuwa kale oo saaxib ah, kana taageero dhanka howlaha milatariga.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard