Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay KURSI muhiim u ah Afrika + Sawirro - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Soomaaliya oo markii ugu horreysay la wareegtay KURSI muhiim u ah Afrika + Sawirro


Addis Ababa (Adduun.com) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta, markii ugu horreysay taariikhda, la wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2003.

Soomaaliya ayaa kursigan muhiimka ah loo doortay bishii February 2026, iyadoo ay hayn doonto muddo labo sano ah, taas oo muujinaysa kalsoonida ay dalalka Afrika ku qabaan doorka Soomaaliya ee arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.

Guushan kadib safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya iyo Midowga Afrika, Amb. Cabdullaahi Warfaa, ayaa si rasmi ah calanka Soomaaliya uga taagay xarunta Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika, taas oo astaan u ah bilowga xilka cusub ee Soomaaliya.

Sidoo kale, mas’uuliyiinta dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo kor u qaadeysa sumcadda iyo kaalinta Soomaaliya ee fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan dhinacyada nabad ilaalinta, xasilloonida iyo iskaashiga dalalka Afrika.

Arrintan ayaa sidoo kale ah fursad lagu xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika, iyadoo sidoo kale ay Soomaaliya siinayso cod iyo awood ay ku saameyn karto go’aannada muhiimka ah ee la xiriira nabadda, xasilloonida, iyo xalinta khilaafaadka qaaradda.

Waxay sidoo kale u oggolaaneysaa Soomaaliya inay kaalin muuqata ka qaadato qorsheynta iyo hirgelinta siyaasadaha la xiriira nabad-dhisidda, difaaca xuquuqda aadanaha, iyo ka hortagga khataraha amni ee gobolka.

Soomaaliya ayaa sanadahan eacdaro ka dhigeysay gobolka iyo caalamka, iyadoo guushan loo arko tallaabo kale oo muhiim ah oo ay qaaday dowladda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard