Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Soomaaliya oo heshay taageero cusub oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Soomaaliya oo heshay taageero cusub oo ka dhan ah aqoonsiga Somaliland


Addis Ababa (Adduun.com) – Ururka Midowga Afrika ayaa markale adkeeyay sida ay uga soo horjeedaan xad-gudubka Israa’iil ay kula kacday Soomaaliya, iyadoo ururku uu hoosta ka xarriiqay muhiimadda ay leedahay ilaalinta mabaa’di’da aas-aasiga ah ee ururka.

War-murtiyeed ka soo baxay Midowga Afrika ayaa si cad u cambaareeyay aqoonsiga hal-dhinaca ah ee Israa’iil ay sheegtay in ay siisay Somaliland. Ururku wuxuu sheegay in tallaabadaasi ay si toos ah uga hor imaanayso qawaaniinta iyo heshiisyada lagu dhisay wadajirka Afrika.

Midowga Afrika ayaa sii adkeeyay mowqifkiisa ku aaddan ilaalinta madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxay sheegeen in mabda’a dhowrista xuduudaha dalalka xubnaha ka ah uu yahay tiir-dhexaadka xasilloonida qaaradda.

Shirka hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa sidoo kale taageeray bayaankii uu 26-kii December 2025 soo saaray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxamuud Cali Yuusuf. Bayaankaas ayaa si cad u diiday tallaabo kasta ama hindise kasta oo lagu aqoonsanayo Somaliland.

Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa carrabka ku adkeeyay in aqoonsi kasta oo hal-dhinac ahi uu ka hor imaanayo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika iyo Axdiga Qaramada Midoobay. Waxay tilmaameen in tallaabooyinka noocaas ahi ay abuuri karaan xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo halis ah.

Sidoo kale, waxay ka digeen in aqoonsi aan loo marin hannaan sharci iyo wada-tashi caalami ah uu dhaawici karo kalsoonida iyo wadajirka dalalka Afrika. Arrintan ayaa la sheegay inay saameyn ku yeelan karto nabadda iyo xasilloonida guud ee qaaradda.

Golaha Midowga Afrika ayaa xusay muhiimadda ay leedahay ixtiraamka xuduudaha si caalami ah loo aqoonsan yahay. Waxayna ku baaqeen in dhammaan dhinacyadu ay u hoggaansamaan shuruucda caalamiga ah iyo heshiisyada ay wada saxiixeen.

Ugu dambeyn, Midowga Afrika ayaa ku boorriyay in khilaafaadka jira lagu xalliyo wada-hadal iyo hannaan sharci oo waafaqsan qawaaniinta qaaradda iyo kuwa caalamiga ah.

Waxay caddeeyeen in wada-xaajoodku yahay waddada kaliya ee lagu gaari karo xal waara oo lagu ilaaliyo midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan Afrika.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard