Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Soomaaliya iyo Turkiga oo gaaray is-afgarad cusub oo looga hortagayo…. - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Soomaaliya iyo Turkiga oo gaaray is-afgarad cusub oo looga hortagayo….


Ankara (Adduun.com) – Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa maanta gaaray is-afgarad cusub, oo looga hortagayo dhibaatada wararka been-abuurka ah, ee lagu suurad xumaynayo iskaashiga labada dhinac iyo howlaha uu Turkiga ka wado gudaha dalka.

Is-afgaradkan ayaa lagu gaaray kulan ay maanta magaalada Ankara ku yeesheen Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Soomaaliya, Daa’uud Aweys Jaamac oo uu weheliyo Wasiirka Gaadiidka Badda iyo Dekedaha, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyo Wasiirka Warbaahinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Turkiga, Burhanettin Duran.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee u dhexeeya labada dal, iyadoo si gaar ah loo adkeeyey doorka warbaahinta ee ka qayb qaadan karta horumarinta xiriirka istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Turkiga.

Mas’uuliyiinta labada dhinac ayaa isla soo qaaday sidii warbaahinta loogu adeegsan lahaa muujinta guulaha iskaashiga, isla markaana loo horumarin lahaa fahamka guud ee bulshooyinka labada dal.

Sidoo kale, labada dal ayaa isku afgartay inay abuuraan wadashaqeyn istaraatiijiyadeed oo looga hortagayo dhibaatada wararka been-abuurka ah, iyadoo la xoojinayo is-dhaafsiga xirfadaha iyo aqoonta warbaahinta casriga ah.

Wada-hadalladan ayaa qayb ka ah dadaallo ballaaran oo Turkigu ku xoojinayo xiriirka uu la leeyahay dalalka Afrika, gaar ahaan Soomaaliya oo uu kala dhexeeyo iskaashi qoto dheer oo dhinacyo badan leh.

Shirkan caalamiga ah ee ka socda Ankara ayaa waxaa ka qayb-galay diblomaasiyiin, aqoonyahanno iyo khubaro ka kala socota dalal kala duwan, kuwaas oo ka doodayay xoojinta iskaashiga iyo saaxiibtinimada Turkiga iyo Afrika.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sannadihii u dambeeyey sii xoojinayey xiriirkooda ku saleysan iskaashi dhinacyada amniga, dhaqaalaha, kaabeyaasha dhaqaalaha, arrimaha bulshada iyo horumarinta awoodda hay’adaha dowladda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard