Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad ay soo direen DF iyo dal shisheeye - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Somaliland oo shaacisay in ay burburisay shabakad ay soo direen DF iyo dal shisheeye


Hargeysa (Adduun.com) — Xukuumadda Somaliland ayaa Talaadadii shaacisay in laamaha ammaanku ay gacanta ku dhigeen shabakad ay ku eedeysay inay maalgeliso Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dhinacyo shisheeye, kuwaas oo ujeedkoodu yahay in ay wiiqaan aqoonsiga ay Israa’iil dhowaan siisay jamhuuriyadda iskeed madax-bannaanida ugu dhawaaqday.

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Somaliland, Cabdalle Maxamed Carab Sandheere, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa, ayaa eedeymo culus u jeediyay shakhsiyaad uu sheegay in ay gudaha Somaliland u joogaan fulinta dano shisheeye oo ka dhan ah qadiyadda Somaliland.

“Markii aan aqoonsiga helnay, waxaa soo baxay cadow kasoo horjeeda guusha aan gaarnay,” ayuu yiri Wasiir Sandheere. Wuxuu intaas ku daray: “Ciidamada amnigu, dadaalkooda awgiis, waxay qabteen shabakad u shaqeysa cadawga oo ay maal-gelinayaan dalal shisheeye. Waxaana koow ka ah oo taageeraya Xasan Sheekh oo Muqdisho ka arrimiya,” isagoo ula jeeda Madaxweynaha Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusay in Golaha Wakiillada iyo Golaha Wasiirada Somaliland ay horey go’aan uga gaareen in tallaabo adag laga qaado cid kasta oo ka hortimaada go’aanka aqoonsiga, in kastoo uusan bixin tafaasiil sharci oo dheeraad ah oo ku saabsan shakhsiyaadka la qabtay.

Xarigga dadka dhaliilay heshiiska

Toddobaadyadii la soo dhaafay, laamaha amniga Somaliland ayaa xabsiga dhigay wadaado, dhallinyaro u dhaq-dhaqaaqayaal arrimaha bulshada, iyo dad caan ka ah baraha internet-ka oo si furan u dhaliilay xiriirka Israa’iil.

Dadkaas la xiray waxaa ka mid ah haweeneyda baraha bulshada ku caan-baxday ee loo yaqaan “Goosha Isaaq”, taas oo markii hore taageertay aqoonsiga balse markii dambe si kulul u dhaliishay qaabka ay xukuumaddu u maareysay arrintan.

Eedeymahan ayaa kusoo beegmaya xilli gudaha Somaliland uu ka jiro dood adag oo ku aaddan nuxurka heshiiska iyo saameynta aqoonsiga Israa’iil ee bishii Diseembar.

Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ugu baaqay xukuumadda talada haysa in ay shacabka u soo bandhigto faahfaahinta rasmiga ah ee heshiiska lala galay Israa’iil. Biixi ayaa ku baaqay hufnaan iyo taxaddar dheeraad ah si loo hubiyo in qodobada heshiisku aysan ka hor imaanayn diinta iyo danaha guud ee qaranka.

Ilaa hadda, xukuumadda Somaliland si rasmi ah uma aysan caddeyn in heshiiska Israa’iil uu yahay heshiis caalami ah (Treaty), is-fahan (MoU), ama qaab kale oo sharci.

Dhanka kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u diiday aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland, waxaana sidoo kale tallaabadan ka horyimid dhowr dal oo Afrikaan ah iyo ururo gobolleed, taas oo sii kicisay xiisadda diblomaasiyadeed ee Geeska Afrika.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard