Hargeysa (Adduun.com) – Maamulka Somaliland ayaa shaaciyay inuu saxiixayo heshiiska Abraham Accords, kaas oo Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu qeyb ka yahay sababaha Israa’iil ay aqoonsi u siisay Somaliland.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhawaan wareysi siiyay warbaahinta Al-Jazeera ayaa sheegay in aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland uu ku saleysnaa heshiis ay ku jireen qodobo ay ka mid tahay saxiixa Abraham Accords.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir oo la hadlay BBC ayaa sheegay in arrintaasi ay tahay mid dhab ah, isagoo si cad u sheegay inay saxiixayaan heshiiska la yiraahdo Abraham Accords.
Heshiisyada Abraham Accords waa kuwo lagu doonayo in lagu caadiyeeyo xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo dalal Carbeed, xiriirkaas oo ahaa mid xun tan iyo markii la aas-aasay Israa’iil.
Intii lagu jiray muddo xileedkii koowaad ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump sanadkii 2020, Imaaraadka Carabta iyo Baxrayn ayaa saxiixay heshiiskaas, iyagoo jebiyay caado-reebitaan soo jireen ah. Taas ayaa ka dhigtay dowladihii Carbeed ee ugu horreeyay ee aqoonsada Israa’iil muddo rubuc qarni ah.
Morooko iyo Suudaan ayaa iyaguna ku xigay, iyagoo ku biiray heshiiska Abraham Accord. Sidoo kale, dowladda Kazakhstan ayaa dhawaan ku biirtay heshiiska.
Haatan, maamulka Somaliland ayaa u arka ku biirista heshiiskan mid loogu gogol xaarayo nabadda gobolka iyo tan caalamkaba.
Si kastaba, aqoonsi la sheegay in Israa’iil ay siisay Somaliland ayaa wajahaya diidmo adag, iyadoo Madaxweynaha Soomaaliya uu sheegay inuu khatar ku yahay amniga gobolka.
Dowladda Federaalka ayaa tallaabadaasi ku tilmaamtay xadgudub sharci-darro ah iyo daandaansi ka dhan ah madax-bannaanida Soomaaliya, iyadoo wacad ku martay difaaca madax-bannaanideeda, una adeegsaneysa dhammaan marinnada diblomaasiyadeed, kuwa siyaasadeed iyo sharciga caalamiga ah.
Mareykanka ayaa sidoo kale kamid ah dalalka ka horyimid aqoonsigan, isagoo si cad u muujiyay in Washington ay garab taagan tahay Muqdisho iyo ururrada waaweyn ee gobolka, kuwaas oo muddo dheer taageersanaa ilaalinta xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale, isbahaysi ballaaran oo ka kooban dalal iyo ururro Carbeed, Islaam iyo Afrikaan ah ayaa si wadajir ah u diiday aqoonsiga Israa’iil, iyagoo ka digay “cawaaqib-xumo halis ah” oo ka dhalan karta tallaabadaas, taasoo khatar ku ah nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.
Waxay si adag u diideen tallaabo kasta oo lagu doonayo in si qasab ah lagu barakiciyo Falastiiniyiinta, taasoo ka tarjumeysa dareenka guud ee gobolka ee ku aaddan qorshayaal bilihii la soo dhaafay la hadal-hayay oo ku saabsan in shacabka Gaza loo raro dhul ka baxsan dalkooda.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
