Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Somaliland oo Mareykanka u soo bandhigtay macdan qaali ah iyo saldhig milatari - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Somaliland oo Mareykanka u soo bandhigtay macdan qaali ah iyo saldhig milatari


Hargeysa (Adduun.com) – Maamulka Somaliland ayaa shaacisay inuu diyaar u yahay in Mareykanka uu la galo heshiis la xiriira khayraadkeeda macdanta.

Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in heshiis la xiriira khayraadkeeda macdanta la galaan Mareykanka, isla markaana ay Washington u ogolaadan saldhigyo ciidan oo ku yaalla xeebaha Gacanka Cadmeed.

Wasiirka oo la hadlay wakaaladda AFP ayaa sheegay in Somaliland ay si dhab ah u danaynayso iskaashi istiraatiiji ah oo ay la yeelato Mareykanka.

Wuxuu tilmaamay inay u furan yihiin in Mareykanka la siiyo helitaan gaar ah oo ku saabsan macdanta dalka, sidoo kalena ay diyaar u yihiin martigelinta saldhigyo ciidan.

Khadar ayaa muujiyay kalsooni uu ka qabo in wada-hadalladaasi guul ku dhammaan doonaan, isaga oo xusay inuu rumeysan yahay in heshiis la gaari doono.

Sidoo kale, wasiirku ma diidin suurta-galnimada in Israel ay ka hesho saldhig ciidan gudaha Somaliland, gaar ahaan magaalada istiraatiijiga ah ee Berbera, xilli Madaxweynaha Somaliland uu dhawaan sheegay inuu ka shaqaynayo heshiisyo la xiriira macdanta iyo tiknoolajiyadda oo lala geli doono Israel.

Warbixin ay baahisay AFP ayaa xustay in mas’uuliyiinta Somaliland ay ku doodayaan in dhulkoodu qani ku yahay macdano qiimo leh sida lithium iyo coltan, inkasta oo aan weli la helin xaqiijin madax-bannaan oo arrintaas lagu sameeyay.

Arrimahan ayaa imanay xilli Somaliland ay sii xoojinayso dadaalladeeda ku aaddan raadinta aqoonsi caalami ah, kaddib markii Israel ay bishii December ee sanadkii hore ku dhawaaqday inay aqoonsatay Somaliland. Si kastaba, aqoonsiga Israel ayaa wajahay diidmo xooggan, iyadoo si adag uga hortimid Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku tilmaamtay xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanideeda.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard