Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Somaliland oo BBC uga warrantay waxay Davos ka hayso iyo Eric Trump waxay ka wada hadleen | Wareysi - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

WAREYSI

Somaliland oo BBC uga warrantay waxay Davos ka hayso iyo Eric Trump waxay ka wada hadleen | Wareysi



Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa kulammo heer sare ah ku yeeshay magaalada Davos ee dalka Switzerland, kuwaas oo ka dhacay dhinacyada Shirweynaha Dhaqaalaha Adduunka, iyadoo dadaalladu diiradda saarayeen xoojinta xiriirka caalamiga ah iyo soo jiidashada maalgashi shisheeye.

Kulammadan oo ay ka mid ahaayeen wada-hadallo uu la yeeshay Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog iyo Eric Trump — oo ah wiilka Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump isla markaana ah madaxweyne ku-xigeenka fulinta ee shirkadda Trump Organization — ayaa ka dhacay casho gaar ah oo ay ka qayb galeen siyaasiin sar-sare iyo ganacsato caalami ah.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in kulammadu diiradda saareen iskaashi dhaqaale, fursado maalgashi iyo doorka istaraatiijiyadeed ee gobolka ee marinnada ganacsiga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Madaxweynaha Somaliland ayaa carrabka ku adkeeyay in dalku u furan yahay maalgashi, isaga oo si gaar ah u muujiyay dekedda biyaha-dheer ee Berbera, taas oo loo arko xarun mustaqbalka muhiim u noqon karta saadka, ganacsiga iyo kaabeyaasha tamarta.

La-taliyaha sare ee Dhaqaalaha ee Madaxweyne Cirro Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaan BBC-da u xaqiijiyey in ay Eric Trump ka wada hadlan dhanka fursadaha ganacsi ee Somaliland, isaga oo sheegay in uu danayn muujiyey.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in WAREYSI

hitsteps realtime visitors dashboard