Connect with us

News

Somalia oo noqotay dalkii 5-aad ee ansixiyay heshiiska IGAD


Muqdisho (Adduun.com) – Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulankoodii caadiga ahaa ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay heshiiska Urur Goboleedka IGAD oo ay xubin ka tahay Soomaaliya, waxayna noqotay dalka 5-aad ee meel-mariyay heshiiskan oo muhiim ah.

Wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda Cali Balcad oo Golaha Shacabka hortegay ayaa codsigaas hordhigay Xildhibaannada, waxayna kadib ka gaareen go’aan, iyaga oo ku ansixiyay cod aqlabiyad leh.

Guddoonka Baarlamaanka oo sameeyay codeyn gacan taag ah ayaa sheegay in fadhiga ay soo xaadireen illaa 144 Xildhibaan, waxaana ogolaaday heshiiska 141 Mudane, waxaa diiday 2 halka uu ka aamusay 1 Xildhibaan oo kaliya.

Cali Balcad oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in Soomaaliya ay noqotay dalka 5-aad ee heshiiskan ansixiyo, wuxuuna u mahadceliyay Baarlamaanka.

Sidoo kale waxa uu intaas ku daray in mar-weliba oo caqabado siyaasadeed dalka uu soo wajaho uu garab ka doonto Urur Goboleedka IGAD, ayna faa’iido ku qabto dowladda Soomaaliyeed.

Waxaa kale oo uu carrabka ku dhuftay in Soomaaliya ay xilligan adag u baahan tahay dalal iyo ururo waa wayn oo garab istaaga, si loo ilaaliyo midnimadeeda, kadib xadgudubkii Israa’iil oo aqoonsatay Somaliland.

“Soomaaliya xilligaan waxay u baahan tahay dalal iyo ururo naga taageera ilaalinta midnimadeena sida IGAD”. ayuu wasiiru dowluhu.

IGAD ayaa si dhow ula socota arrimaha gudaha ee Soomaaliya, maadaama ay  xubin ka tahay ururkaas, iyada oo door firfircoon ka qaadata hawlaha ururka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News