Muqdisho (Adduun.com) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa lagu wadaa in maanta ay ka qayb-galaan shir deg-deg ah oo Jaamacadda Carabta ay ka yeelaneyso dagaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen dalka Iiraan.
Kulanka oo heer wasiir arrimo dibadeed ah ayaa waxaa codsaday waddamada Carbeed ee uu saameeyay dagaalka, sida Sucuudiga, Masar, Qatar iyo Kuwait.
Wasiirrada Jaamacadda Carabta ee kulmaya ayaa sidoo kale diiradda saari doono saameynta dagaalkan ee Bariga Dhexe, gaar ahaan duqeymaha is-daba jooga ah ee ay Iiraan ku hayso dalalka Khaliijka ee xulafada la’ah Mareykanka.
Sidoo kale, waxaa la filayaa in wasiirradu soo saaraan bayaan adag oo ay ku caddeynayaan mowqifkooda ku aadan xaaladda cakiran ee gobolka.
Horay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo dhanka telefoonka kula hadlay Boqor Cabdalla binu Al-Xuseen, Boqorka Urdun iyo Sheekh Tamiim binu Xamad, Amiirka Qatar ayaa si adag u dhalleeceeyay weerarrada Iiraan ee dalalkaas, maadaama ay gaysteen khasaare baaxad leh.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale duqeymaha Iiraan ee dalalkan ku tilmaamay kuwo gardarro ah, iyadoo uu adkeeyay mowqifka adag ee Soomaaliya ee ku aaddan garab istaagga Dowladda Qatar iyo Boqortooyada Urdun.
Wada-hadalkaas, hoggaamiyeyaashu waxa ay si qoto dheer uga wada-hadleen xaaladda gobolka, xiisadaha iyo iska-horimaadyada milatari ee Bariga Dhexe, waxaa kale oo ay muujiyeen muhiimadda ay leedahay dejinta xaaladda, yareynta xiisadaha iyo xoojinta dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag u muujisay garab istaaga dalalka Khaliijka Carabta oo weli duqeymo kala kulmaya dowladda Iiraan, kadib howlgalka wadajir ah ee Mareykanka iyo Israa’iil ka wadaan dalkaasi.
“Soomaaliya waxay caddeyneysaa sida ay uga xun tahay dhibaatada ka taagan gobolka, waxayna garab taagan tahay waddamada ay saameeyeen falalkaas hubeysan, iyadoo ugu horreyn xustay taageerada buuxda ee ay siinayso Sucuudi Carabiya, Kuweyt, Urdun, Qadar iyo Saldanadda Cumaan,” ayaa lagu yiri bayaanka ay Dowladda Soomaaliya ee ku aadan Bariga Dhexe.
