Tripoi (Adduun.com) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta kulan xasaasi ah la yeeshay dhiggiisa Liibiya Mudane Daahir Al-Baour, iyagoo ku heshiiyay in dib loogu soo celiyo dalka ilaa 400 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku sugan dalkaas.
Kulanka labada wasiir ayaa waxaa looga hadlay horumarinta iskaashiga iyo saaxiibtinimada labada dal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa sidoo kale kulankooda diiradda ku saaray arrimaha tahriibka iyo socdaalka sharci-darrada ah, maadaama ay dhibaato xooggan kala kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee inta badan u gacan-gala magefaha.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu falanqeeyay dhibaatooyinka ay la kulmaan dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku safra marinnada halista ah, iyagoo adkeeyay muhiimadda la-dagaallanka kooxaha dambiyada abaabulan.
Labada wasiir ayaa ugu dambeyn isku afgartay in dib loogu soo celiyo dalka ilaa 400 oo dhallinyaro Soomaaliyeed ah, halka labada dhinac ay sidoo kale is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan xaaladaha gobolka iyo caalamka, iyagoo ku heshiiyay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal.
Liibiya ayaa waxaa haatan ku sugan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo sanado magafe uu ku haysto dalkaasi, waxaana ku haystaa xaalado nololeed oo aad u daran.
Si kastaba, kulankan ayaa kusoo aaday, ayada oo dhawaan dalka loogu soo celiyay qaar kamid ah dhalinyaradii Soomaaliyeed ee laga soo badbaadiyey Magafaha, waxaana soo celintooda iska kaashaday dowladda iyo hay’adda IOM.

