Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Sirdoonka Mareykanka oo xog lama filaan ah ka bixiyey awoodda gantaallada Iiraan - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Sirdoonka Mareykanka oo xog lama filaan ah ka bixiyey awoodda gantaallada Iiraan


New York (Adduun.com) – Sida lagu xusay warbixinno sirdoon oo uu Mareykanku soo saaray, hawlwadeennada Iiraan ayaa dib u qodayay, salkana u xaarayay godadka dhulka hoostiisa ah iyo xarumaha gantaallada ee ay duqeeyeen diyaaradaha Mareykanka iyo Israa’iil, iyagoo dib u hawlgelinaya saacado uun kaddib markii la weeraray. 

Warbixinnada, oo uu soo xigtay wargeyska The New York Times, ayaa sidoo kale sheegaya in Iiraan ay wali haysato tiro aad u badan oo ah gantaalladeeda iyo gawaarida guurguura ee gantaallada tuura.

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka iyo Aqalka Cad ayaa toddobaadkan sheegay in ay horumar weyn ka sameeyeen dagaalka Iiraan. Shir jaraa’id oo ay qabteen toddobaadkan, Pentagon-ka ayaa ku sheegay in ay Iiraan ku garaaceen 11,000 oo bartilmaameed, muddo shan toddobaad ah oo uu dagaalku socday.

Balse, hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa shaki geliyay in Mareykanku uu ku dhow yahay in uu baabi’iyo awoodda gantaallada Iiraan, taas oo ah yoolka ugu weyn ee dagaalka.

Iyadoo hay’adaha sirdoonku aysan si dhab ah u qiyaasi karin tirada gantaal-tuureyaasha haray, haddana Iiraan ayaa wali awood u leh in ay adeegsato gantaalladeeda ballistic-ga ah iyo qalabkeeda gantaallada tuura si ay u weerarto Israa’iil iyo dalalka kale ee gobolka, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo xog-ogaal u ah warbixinnada sirdoonka.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda, ahna la-taliyaha amniga qaranka Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sheegay in “wiiqidda ba’an” ee awoodda Iiraan ee riditaanka gantaallada ay tahay mid ka mid ah yoolalka ugu waaweyn ee dagaalka. Xoghayaha Difaaca, Pete Hegseth, ayaa isna si isdaba-joog ah uga hadlay khasaaraha ay duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil gaarsiiyeen Iiraan, iyo hoos u dhaca ku yimid tirada gantaallada ay Iiraan riddo.

“Haa, wali waxay ridi doonaan gantaallo, laakiin waan soo ridi doonnaa,” ayuu yiri Hegseth maalintii Isniinta. “Waxaa xusid mudan, 24-kii saac ee la soo dhaafay waxaan aragnay tiradii ugu yareyd ee gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee cadowga ee ay Iiraan riddo. Dhulka hoostiisa ayay gelayaan, laakiin waan soo heli doonnaa.”

Sida ay tilmaameen Hegseth iyo saraakiisha Aqalka Cad, heerka ay Iiraan u riddo gantaallada iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ayaa si weyn hoos ugu dhacay tan iyo markii uu dagaalku bilowday.

“Xaqiiqadu waa tan: Weerarradii Iiraan ee gantaallada ballistic-ga iyo drones-ka ayaa hoos u dhacay boqolkiiba 90%, ciidankoodii badda waa la tirtiray, saddex meelood labo meel xarumihii wax-soo-saarkoodana waa la dhaawacay ama waa la burburiyay, Mareykanka iyo Israa’iilna waxay leeyihiin awood cirka ah oo buuxda oo ka dhan ah Iiraan,” ayay tiri Anna Kelly oo u hadashay Aqalka Cad.

Arrintani waxay ilaa xad muujineysaa guusha duqeymaha Mareykanka iyo Israa’iil. Balse, hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa sidoo kale aaminsan in Iiraan ay gantaal-tuureyaasheeda intooda badan ku xareyso godadka dhulka hoostiisa ah iyo boholaha si ay uga ilaaliso duqeymaha.

Iiraan, sida ay sheegeen saraakiisha Mareykanka, waxay dooneysaa in ay sii haysato inta ugu badan ee suurtagalka ah ee awooddeeda gantaallada, si ay u sii waddo cadaadiska haddii dagaalku uu dheeraado, ama ay gobolka ugu hanjabto kaddib marka uu dhammaado.

In kasta oo ay si taxaddar leh u adeegsaneyso gantaal-tuureyaasheeda, hubkeeduna uu yaraaday, haddana Iiraan way sii wadday in ay weerarto Israa’iil.

Iiraan ayaa maalintii ku rida Israa’iil ilaa 20 gantaal, iyadoo mar qura rida hal ama labo gantaal, sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo isugu jira kuwa hadda shaqeeya iyo kuwo hore. Sarkaal reer Galbeed ah ayaa isna maalintii Jimcaha sheegay in Iiraan ay maalintii riddo 15 ilaa 30 gantaallada ballistic-ga ah, iyo 50 ilaa 100 ka mid ah diyaaradaha drones-ka ee is-qarxiya.

Saraakiil hore ayaa sheegay in kala-qeybsanaan ka jirta dowladda Iiraan dhexdeeda ay wiiqday taliska iyo maamulka, taas oo Iiraan ku adkeyneysa in ay mar qura wada riddo tiro badan oo gantaallo ah.

Qiimeynta saxda ah ee awoodda hadda ee Iiraan ayaan caddayn, sababtoo ah Iiraan ayaa adeegsanaysa tiro badan oo ah aaladaha lagu marin-habaabiyo cadowga, Mareykankuna ma hubo inta gantaal-tuure ee uu burburiyay ay ahaayeen kuwo dhab ah.

In kasta oo uu Mareykanku haystay qiyaas ku saabsan gantaal-tuureyaasha Iiraan kahor dagaalka, haddana tiradaasi ma ahayn mid sugan. Waxaa sidoo kale adag in la qiimeeyo tirada gantaal-tuureyaasha ku dhex jira godadka ama boholaha ee ay duqeeyeen Mareykanka ama Israa’iil.

In kasta oo godadka dhulka hoostiisa ah iyo xarumaha gantaallada ay marka hore u muuqdaan in la burburiyay, xaqiiqadu waxay tahay in Iiraan ay awood u yeelatay in ay si degdeg ah dib ugu qoddo oo ay u soo saarto gantaal-tuureyaasha, kaddibna ay mar kale rido.

Telefishinka CNN ayaa horay u weriyay in Iiraan ay wali haysato kala bar gantaalladeeda. Saraakiisha ayaa sheegay in tiradaasi ay ku jirto qiyaasta lagu xusay warbixinnada sirdoonka, balse warbixinnadu aysan bixin tiro dhab ah oo ku saabsan gantaal-tuureyaasha haray.

Wargeyska Haaretz ee ka soo baxa Israa’iil ayaa isna horay u weriyay in Iiraan ay adeegsatay caga-fayo si ay dib ugu soo saarto gantaal-tuureyaashii lagu duugay ama lagu xiray godadka dhulka hoostiisa ah.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard