Tehran (Adduun.com) – Sida ay sheegeen saraakiil Mareykan ah oo xog-ogaal u ah qiimeynta sirdoonka, dowladda Iiraan ayaa weli kaydkeeda hubka ku haysata kumanaan gantaallada ballistic-ga ah, kuwaas oo ay dib u adeegsan karto iyadoo soo saaraysa aaladaha gantaallada tuura ee ku jira xarumaha kaydka ee dhulka hoostiisa ah.
Qiimeyntan ayaa imaneysa xilli Mareykanku uu ka shaqeynayo in la meel-mariyo xabbad-joojin si buuxda dib ugu fureysa Marinka Hormuz, kana ilaalineysa Iiraan, ciidamada Mareykanka iyo dalalka gobolka weerarro hor leh. Labada dhinac ayaa la filayaa in ay Sabtida maanta ah wada-hadallo uga furmaan Islamabad.
Qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyay in Iiraan ay fursadda hakadka dagaalka u adeegsan doonto in ay dib u dhisato qayb ka mid ah awooddeeda gantaallada, kana sii badiso inta ay hadda haysato.
Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka Pete Hegseth ayaa toddobaadkan saxafiyiinta u sheegay in barnaamijka gantaallada Iiraan uu yahay mid “awooddiisii shaqo la burburiyay,” isagoo xusay in gantaallada iyo aaladaha tuura la dhammeeyay, la tirtiray, gabi ahaanna aysan waxba tari karin.
Hase yeeshee, xogta sirdoonka Mareykanka ayaa muujineysa in Iiraan ay dib u soo nooleyn karto qayb ka mid ah awooddeeda gantaallada.
In kasta oo saraakiisha Mareykanku ay sheegeen in in ka badan kala bar aaladaha gantaallada tuura ee Iiraan la burburiyay, la dhaawacay ama ay ku go’doonsan yihiin dhulka hoostiisa, haddana qaar badan oo ka mid ah kuwaas ayaa la dayactiri karaa ama dib looga soo qodi karaa xarumaha dhulka hoostiisa ah, sida ay xaqiijiyeen saraakiishu.
Kaydka gantaallada Iiraan ayaa sidoo kale qiyaastii kala bar hoos u dhacay intii uu dagaalku socday, balse saraakiisha Mareykanka iyo Israa’iil ayaa sheegay inay weli haystaan kumanaan gantaallada riddada dhexe iyo kuwa dhow ah.
Dhanka kale, saraakiisha Mareykanka ayaa xusay in Iiraan ay haysato qiyaasti 50% diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee is-qarxiya ee ay haysatay bilowgii dagaalka, inkasta oo in badan oo ka mid ah ay adeegsatay, goobaheedii wax-soo-saarka hubkana ay duqeeyeen Mareykanka iyo Israa’iil.
Balse nidaamka Tehran ayaa nidaamyo hub oo la mid ah kuwan ka heli kara dalka Ruushka si uu ugu adeegsado deriskiisa, sida ay saraakiishu sheegeen. Iiraan ayaa sidoo kale weli haysata kayd yar oo ah gantaallada (cruise missiles), kuwaas oo loo adeegsan karo maraakiibta Gacanka Persia ama ciidamada Mareykanka, haddii wada-hadalladu ay bur-buraan.
Kenneth Pollack, oo horay falanqeeye uga ahaa hay’adda C.I.A, haddana ah madaxweyne ku-xigeenka siyaasadda ee Machadka Bariga Dhexe, ayaa yiri: “Iiraaniyiintu waxay muujiyeen awood layaab leh oo ay si degdeg ah ugu allifi karaan uguna soo nooleyn karaan ciidamadooda. Waa cadow aad uga awood badan inta badan milatariyada Bariga Dhexe marka laga reebo Israa’iil.”
Falanqeeyayaasha Mareykanka ayaan saadaalineyn in milateriga Iiraan uu dhowaan ku soo laaban doono tiradii gantaallada iyo diyaaradaha ee dagaalka kahor, marka la eego dadaalka ay Mareykanka iyo Israa’iil ku bixiyeen duqeynta warshadaha difaaca ee Iiraan. Balse Iiraan ayaa muujisay inay tahay quwad adkeysi leh, iyadoo falanqeeyayaasha dowladda Mareykankuna ay saadaaliyeen in Iiraan ay weli hawlgelin karto qaar ka mid ah gantaal-tuurayaasheeda ballistic-ga.
Qiimeyntan ayaa argagax ku rideysa madaxweyne Donald Trump oo doonaya in dagaalka la soo afjaro, oo heshiis la gaaro, balse sidoo kale doonaya in uu Tehran ku qasbo heshiis u janjeera dhankiisa. Hase yeeshee xaqiiqda ah in Iiraan ay sii dagaalami karto bilo, ayaa ka dhigeysa in ay gacanta sare haystaan inta ay socdaan wada-hadallada, maadaama cidda heshiiska raadineysa ay tahay Mareykanka.
Trump ayaa fashil kala kulmay dagaalka, kadib markii qiimaha shidaalka Mareykanka uu aad u kacay, dhulka uu galay suuqa samiyada, ayna shacab badan oo Mareykan ah ka soo horjeesteen, xilli xisbigiisa Jamhuuriga uu wajahayo doorashooyinka dhexe ee November.
Afhayeen u hadlay Taliska Dhexe ee Mareykanka, oo kormeera ciidamada Mareykanka ee Bariga Dhexe, ayaa diiday inuu faallo ka bixiyo arrintan, isagoo tixraacay hadalladii u dambeeyay ee saraakiisha sare ee milateriga Mareykanka ee ku saabsanaa baaxadda ololeyaasha cirka ee Mareykanka iyo Israa’iil.
Iiraan, oo lahayd ciidan cir oo tabar daran dagaalka kahor, ayaa muddo dheer ku tiirsanayd kaydkeeda gantaallada si ay uga hortagto cadowgeeda. Ugaarsiga gantaallada cadowga ayaa caqabad weyn ku ahaa Mareykanka dagaalkii Ciraaq ee 1991, maadaama gantaallada Scud ee ay Ciraaqiyiintu isticmaali jireen ay ahaayeen kuwa guurguura. Dagaalkaas, Mareykanka iyo xulafadiisa Ingiriiska ayaa ciidamo gaar ah u diray Ciraaq, kumana aysan tiirsanaan duqeymo cirka ah oo keliya.
Balse weerarrada Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah gantaallada Iiraan ayaa dhammaantood laga fuliyay cirka. Arrintan ayaa ku adkaysay Mareykanka iyo Israa’iil in Iiraan ay leedahay xarumo gantaallo oo si qoto dheer loogu dhex aasay buuraha. Israa’iil ayaa diiradda saartay adeegsiga duqeymaha cirka si ay u xirto tunnel-yada (godadka) laga soo saaro aaladaha gantaallada tuura, balse saldhigyada laftooda ayaa noqday kuwo adag in la burburiyo, sida ay sheegeen saraakiisha Israa’iil.
In kasta oo Israa’iil aysan eber ka dhigi karin awoodda Iiraan ee ridista gantaallada, saraakiisha Israa’iil ayaa guul ku tilmaamay inay awooddooda hoos ugu dhigeen inta u dhexaysa 10 ilaa 15 gantaal maalintii inta badan xilligii dagaalka, marka loo eego daraasiin gantaal ah oo ay maalin kasta ridayeen maalmihii hore ee dagaalka.
Saraakiisha Israa’iil ayaa sheegay in Iiraan aysan xilligan soo saari karin gantaallo horleh, heerka ay Tehran dib ugu dhisan karto barnaamijkeedana uu ku xirnaan doono nooca caawinaad ee ay ka helaan Ruushka ama Shiinaha.
Xakameynta awoodaha milateri ee Iiraan ee mustaqbalka kuma xirnaan doonto oo keliya hanjabaadda weerarro cusub oo kaga yimaada ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil, balse waxay sidoo kale ku xiran tahay cunaqabateynta iyo xakamaynta dhoofinta.
Mid ka mid ah dalabaadka Iiraan ee soo afjaridda colaadda ayaa ah in la qaado dhammaan cunaqabateynta aasaasiga ah iyo kuwa labaad, taas oo ciqaabaysa waddamada ganacsiga la sameeya Iiraan.
“Mid ka mid ah casharrada ugu waaweyn ee laga baranayo arrintan ayaa ah in Iiraan, oo haysata qayb aad u yar oo ka mid ah awooddeedii hore, ay weli noqon karto jilaaga ugu weyn ee xakameeya nabadda iyo amniga Khaliijka,” ayuu yiri Jon Alterman oo ka tirsan Xarunta Daraasaadka Istaraatiijiyadeed iyo Caalamiga ah ee (CSIS).
“Waxay haystaan faa’iidadan weyn oo ah in maalin kasta oo aysan guuldareysan, ay guuleysanayaan, iyo maalin kasta oo aanan annagu guuleysan, aan guuldareysaneyno.”
