Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Sideydii inta aysan kugu dhicin waa inaad… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Sideydii inta aysan kugu dhicin waa inaad…


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa shir jaraa’iid la qabtay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Puntland ayaa tali cajiib ah u jeediyay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Farmaajo ayaa tusaale usoo qaatay wixii ku dhacay xukunkiisii hore, isagoo Xasan Sheekh uga digay in muddo-xileedkiisu ka dhamaado iyada oo aan heshiis laga gaarin doorashada.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu haatan yahay “libaax”, balse inta uusan u noqon “bisad”, oo ula jeedo inta sharciyada ka dhamaan uu xal ka gaaro khilaafka siyaasadeed ee salka ku haya hanaanka doorashada.

“Madaxweynoow (Xasan) libaax baad tahay hadda, inta aadan bisad noqon oo waqtigu kaa dhammaan doorasho qabo. Anigaa soo arkay tan,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dalka, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, madaxweynihii hore ayaa taageeray xildhibaannada kasoo jeeda Puntland ee ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan laga celiyay inay tagaan magaalada Garoowe, halkaas oo wadatashi ugu yeeray Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

Farmaajo ayaa raali-gelin buuxda ka siiyay xildhibaannada caqabadii ay Dowladda Federaalka kala kulmeen xilli ay doonayeen inay aadan deegaankooda. “Raali-gelin buuxda ayaa ka sameynayaa, aan idin cudur daaro dhibkii idinku dhacay ee siyaasadeed,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu iska fogeeyay in uu isagu jideeyay in mas’uuliyiin laga carqaladeeyo safarradooda, wuxuuna Xasan Sheekh ku booriyay inuu ka wantoobo tallaabooyinkan noocaan ah.

Ugu dambeyntii, Farmaajo ayaa muujiyay mowqifkiisa ku aadan dastuurka la ansixiyay maanta, oo uu ku tilmaamay mid dhinac ka raran oo sharci darro.

“Dastuurka waa wax umadda oo dhan wada leedahay, oo heshiis bulsho ah,” ayuu yiri Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Hoos ka daawo muuqaalka

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard