Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ku jiraan ciidamo hubeysan ayaa goordhow kasoo dagay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Saciid Deni ayaa waxaa garoonka uga hortegay xildhibaanno, senatarro, siyaasiyiin mucaarad ah iyo qaybaha kala duwan ee bulshada, isaga oo gacan qaaday, kadibna waxaa loo galbiyay goobta uu ka dagayo xerada Xalane.
Madaxweynaha Puntland ayaa ka qayb-galaya shirweynaha u dhexeeya Villa Somalia iyo Golaha Mustaqabalka, waxaana kasoo horreeyay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo isna saacado kahor soo gaaray caasimada.
Labada madaxweynaha ayaa la filayaa in ay la hadlaan warbaahinta, isla markaana ay faah-faahiyaan imaatinkooda iyo wada-hadallada la filayo inay uga qayb-galaan magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn isha loogu hayo.
Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa muddo dheer ka maqnaa magaalada Muqdisho, sababo la xiriira khilaafka daba dheeraaday ee ka dhala dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh iyo dowladdiisa, kaas oo meel xun gaaray, illaa ay go’day wada shaqeyntii dhinacyadaan, taas oo saameysay dowladnimada.
Ajendaha shirkan oo isha aad loogu hayo ayaa noqonaya arrimaha doorashooyinka, dastuurka, midnimada, dagaalka ka dhanka ah argagixisada iyo abaaraha, sida lagu gaaray kulamadii guddiyada farsamo ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka.
Si kastaba, wakiillada beesha caalamka oo dhinacyada cadaadis ku saaray sidii ay u qabsoomi lahaayeen wada-hadalladii loo ballansanaa, ayaa muujinaya sida ay lagama maarmaan u tahay in arrimaha la isku hayo is-afgarad looga gaaro shirka
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
