Baydhaba (Adduun.com) – Maamulka kumeel-gaarka ah ee loo sameeyay Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inuu soo ceshado bogga rasmiga ah ee Facebook-ga Madaxtooyada maamulka, kaas oo muhiim u ah howlaha kala duwan ee dowladda, lagalana socdo.
Bogga ayaa la waayey markii la eryay madaxweynihii hore ee maamulkaasi, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), kadib markii la sheegay in kooxdiisii ay horay ula tageen, gaar ahaan xafiiska agaasinka warfaafinta.
Dadaallo dheer iyo wada-hadallo kadib maamulka cusub ee ay dowladda u magacowday Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah bogga ula wareegay, iyadoo lagu shaaciyay wareegtadii ugu horreysay ee magacaabis ah ee kasoo baxday hoggaamiyaha kumeel-gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.
“Hogaamiyaha Ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Jabriil Cabdirashiid Xaaji ayaa Cali Cabdulaahi Isaaq U-Magacaabay Agaasimaha Guud Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed” ayaa lagu yiri wareegtada lagu daabacay bogga rasmiga ee Facebook-ga Koonfur Galbed.

Arrintan ayaa dhalisay fal-celin xooggan, iyada oo si yaabo kala duwan ay uga hadleen qaar kamid ah dadweynaha isticmaala baraha bulshada.
Aadan Xeefow: “Page-kii waa lasoo celiyay, Dowladda Resources keeda iyo hantideeda in la ilaaliyo weeye, mashallah”.
Cabdinaasir Maxamed: “Hoggaamiye ha i dambeysee magacaabista Page-kii gormee gacan lagu soo dhigay?.
Cabdale Bayadiir: “Kii Page-ka rakataada ku haystay ma laga soo celiyay?”.
Bishaar Cadaawe Faarax: “Page-ka soo celintisa meeqa ayaa ku baxday?”.
Cabdisalaan Cabdullahi: “Page-ka Backgroundkiisa Lafta-green ayaa ka arkeynaa koley annaga”.
