Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Sidee Iiraan u burburisay maqaamkii Dubai ee caalamka? - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Sidee Iiraan u burburisay maqaamkii Dubai ee caalamka?


Dubai (Adduun.com) — Muddo tobanaan sano ah, qorshaha suuqgeynta ee magaalada Dubai waxa uu ku dhisnaa dhismayaal dhaadheer oo indhaha soo jiita, mushaar aan canshuur lahayn, fududeynta ganacsiga, iyo arrin kale oo intaas ka sii muhiimsan: ballanqaad aan qornayn oo ahaa in wax kasta oo ka dhaca Bariga Dhexe, magaaladani ay tahay mid gooni ah. Colaadaha ragaadiyay gobolka ayaa waligood u muuqday kuwo ku istaaga xuduudaha Dubai.

Balse maalintii Sabtida, xaaladdaas oo dhan ayaa isbeddeshay. Weeraradii aargudashada ahaa ee Iiraan ay ka fulisay Khaliijka ayaa beegsaday qaybaha ugu muhiimsan ee dhaqaalaha Dubai, iyadoo gantaaladu ay ku dhaceen garoomada diyaaradaha, hoteelada, iyo dekedaha.

Sidoo kale, weeraradan waxay si weyn u dhaawaceen maqaamkii magaaladan oo afartan sano ku bixisay sidii ay isugu muujin lahayd inay tahay goobta ugu kalsoonida badan ee ganacsi laga sameeyo, iyadoo ku dhex taal gobol aan la isku halleyn karin.

Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta, oo ah xulafo dhow oo Mareykanku leeyahay, ayaa si degdeg ah ugu dhaqaaqay si ay u xakameeyaan khasaaraha gaaray kalsoonida maal-gashadayaasha. Hay’adda Maareynta Xasaradaha iyo Masiibooyinka ee dalkaas ayaa sheegtay in xaaladdu ay gacanta ku jirto. Dadka deegaanka oo arkaya astaamahoodii oo gantaalo lagu garaacayo, xilli ay guryaha raashin ku kaydsanayeen, ayaa dhegeystay farriimahaas dejinta ah. Balse in farriimahaasi ay ku filan yihiin qancinta dadweynaha iyo ganacsatada waa su’aal taagan.

“Waa adag tahay in la buunbuuniyo khatarta soo food saartay nidaamka dhaqaale ee Dubai,” ayuu yiri Jim Krane oo ka tirsan Machadka Baker ee Jaamacadda Rice.

“Khasaaraha muuqda ee dhismayaasha wuu yaraan karaa, xanuunka ugu badanna ilaa hadda waa mid maskaxda ah. Balse maqaamkii Dubai ee ahaa gabbaad ammaan ah oo ay u soo qaxaan ajaaniibta iyo ganacsiyadoodu waa mid shaki weyn la gelinayo. Sida uu dagaalku u dheeraado, waxaa sii xoogeysan doona raadinta goobo kale oo beddel ah. Hantida caalamiga ah waa mid si xawli ah u guur-guurta.”

Calaamadaha muujinaya cadaadiska taagan awgeed, suuqyada saamiyada ee Imaaraadka ayaa xirnaa maalmihii Isniinta iyo Talaadada (Maarso 2 iyo 3), halka cilad farsamo oo ku timid xarumaha kaydka xogta ee Amazon ay saameyn weyn ku yeelatay hawlgallada bankiyada qaarkood. Tobanaan kun oo rakaab ah ayaa wali ku xayiran dalkaas kadib markii hawada inta badan la xiray.

Sida Dubai u dhistay sumcaddeeda

Isbeddelka Dubai ee ka soo bilowday deked yar oo lagu kalluumeysto lagana gurto luulka ilaa ay ka noqoto xarun maaliyadeed oo caalami ah, wuxuu ahaa mashruuc qaatay tobanaan sano. Daah-furkii shirkadda diyaaradaha ee Emirates sanadkii 1985, furitaankii dhismaha Burj Al Arab ee 1999, iyo sharciyadii bilowgii 2000-meeyadii ee ajaaniibta markii ugu horreysay u oggolaaday inay hanti yeelan karaan, ayaa ahaa tiirarka aasaaska u ahaa sumcadda magaalada.

Dhaqaalaha Dubai waxa uu haatan inta badan ku tiirsan yahay qaybaha ka baxsan shidaalka, kaas oo hadda ka dhigan wax ka yar 2% dakhliga guud ee maxalliga ah. Dhaqaalahan waxaa lagu beddelay ganacsi, dalxiis, hanti maguurto ah oo qaali ah, iyo adeegyo maaliyadeed oo la jaan-qaadaya shuruucda caalamiga ah.

Kobaca Dubai waxa uu sidoo kale si weyn uga faa’iideystay xasillooni-darrada dalalka kale ee gobolka. Laga soo bilaabo qaxootigii Suuriya, qoysaskii hantida lahaa ee ka cararayay kacdoonadii Gu’gii Carabta, iyo dhawaanahan dadkii Ruushka ahaa ee ka soo cararay dagaalka Ukraine.

Dhammaan dadkan cusub waxay soo geliyeen magaalada hanti iyo aqoon. Tirada dadka Imaaraadka ayaa aad u korortay, iyadoo gaartay 11 milyan sanadkii 2024, marka loo eego 1 milyan sanadkii 1980-kii.

Maxaa isbeddelay Sabtidii?

In kasta oo horumarkaas la gaaray, baylahda gobolka marna ma tirtirmin. Marinka Hormuz, oo ay marto qiyaastii shan meelood meel shidaalka caalamka, ayaa ku dheggan xuduudaha Dubai. Iiraan, oo ah waddan leh ujeeddo iyo awood uu ku carqaladeeyo ganacsiga Khaliijka, ayaa fadhida dhinaca kale ee biyaha.

Khasaaraha muuqda ee dhacay dhammaadkii asbuuca wuxuu ahaa mid dhab ah. Garoonka Diyaaradaha ee Dubai ayaa la garaacay, qayb ka mid ah dekedda Jebel Ali ayaa gubatay, dhismaha caanka ah ee Burj Al Arab-na waxaa soo gaaray burbur ka dhashay firirka gantaalada difaaca ee la soo riday. Sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Imaaraadka, saddex qof ayaa dhintay, 58 kalena waa ay dhaawacmeen.

“Dadku waa baqayaan. Waa markii ugu horreysay ee ay ku qasbanaadaan inay ku dhuuntaan dhulka hoostiisa. Garoonka Dubai oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn adduunka ayaa lagu qasbay in la xiro maalmo,” ayuu yiri Nabil Milali oo falanqeeya suuqyada maaliyadda.

Shirkadaha qaar ee fadhigoodu yahay Imaaraadka ayaa durba billaabay qorshayaal hordhac ah oo ay shaqada uga joojinayaan shaqaalaha, iyagoo hakiyay raadinta dhaqaale cusub. Baahida loo qabo iibsiga dahabka ayaa sidoo kale cirka isku shareertay. Bankiyada caalamiga ah ayaa laga yaabaa inay dib u qiimeeyaan baaxadda joogitaankooda magaalada, iyagoo ka fiirsanaya inay macaamiishooda uga adeegaan goobo kale.

In kasta oo khuburada qaar, sida Madhur Kakkar oo madax ka ah Elevate Financial Services, ay aaminsan yihiin in suuqyada Imaaraadku ay taariikh ahaan muujiyeen adkeysi xilliyada xasaradaha, falanqeeyayaasha kale ayaa qaba in aragtidaasi isbeddeshay.

“Runtii waa isbeddel weyn oo ku yimid aragtidihii hore,” ayuu yiri William Jackson oo ah khabiir dhanka dhaqaalaha ah.

“Dhaqaalaha Khaliijka waxaa guud ahaan loo arkayay inuu ka nabad qabo aargudashada Iiraan. Waxaan filayaa in taasi ay si dhab ah isku beddeshay dhammaadkii asbuuca.” Waxa uu intaas ku daray in caqabaddani ay si gaar ah u saameyneyso dadaallada lagu kala duwanayo ilaha dhaqaalaha ee ka socda gobolka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard