Muqdisho (Adduun.com) – Waxaa magaalada Muqdisho ka furmay shirweyne xasaasi ah oo u dhaxeeya Madaxda Golaha Mustaqbalka, qaar kamid Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya iyo bulshada rayidka.
Shirweynahan ayaa hal ku dhigiisu yahay “difaaca dastuurka” xilli Dowladda Federaalka ay weli sii wado wax ka beddelka dastuurka KMG ah, kaasi oo guddoonka baarlamaanka uu qorsheynayo in toddobaadka soo socda la ansixiyo dhameystirkiisa.
Dhinacyadan ayaa shirweynaha ku soo bandhigaya mowqifkooda wax ka beddelka dastuurka oo meel adag ka taagan yihiin, iyadoo dhawaan burbureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Sidoo kale, shirweynaha ayaa lagu gorfeyn doona xaaladda dalka, oo haatan mareysa meel xasaasi ah, waxaana la filayaa in war-murtiyeed laga soo saaro gaba-gabada shirka.
Shirweynahan ayaa imanaya xilli ay soo baxeyso in Villa Somalia qorshaha dastuurka ka farxalaneyso todobaadka soo socda, iyadoo lagu wado in baarlaamanka uu Arbacada ansixiyo dhameystirka dastuurka KMG ah, uuna isla maalinta saxiixo Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha ayaa si weyn u riixaya dhammaystirka dastuurka iyo hirgelinta doorasho qof iyo cod ah, xilli ay diidan yihiin maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale qaar ka mid ah mucaaradka Muqdisho, kuwaas oo ku baaqaya in dib loo dhigo dhammaystirka Dastuurka loona gudbo doorasho dadban.
Dastuurka la dhameystirayo ayaa jideynaya in shacabka ay si toos ah u soo doortaan wakiillada deegaanka, dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe, halka xildhibaannada la soo doortay ay dooranayaan maayarrada, madaxweynayaasha dowlad-goboleedyada iyo madaxweynaha qaranka.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ah mucaaradka ugu xooggan ee dalka xilligan mar horeba way qaadaceen wax ka beddelka dastuurka iyo hanaanka doorashada qof iyo cod ee uu doonayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii daraya xiisadda taagan, xilli ay burbureen wada-hadalladii u dhaxeeyay Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kadib markii la isku mari waayay arrimaha dastuurka iyo doorashada oo si weyn iskugu hayaan labada dhinac.
