Muqdisho (Adduun.com) – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah u shaaciyay in dib loo dhigay shirweynihii ay qorsheynayeen in uu qabsoomo 10-ka April 2026, kaas oo hore loogu balansanaa in lagu qabto magaalada Garoowe.
War-saxaafadeed kasoo baxay golaha ayaa lagu sheegay in dib-u-dhigistan ay timid kadib qiimeyn iyo diyaar-garow dheeraad ah oo loo arkay in ay muhiim u yihiin guusha shirka iyo natiijooyinka laga filayo.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa xusay in ay weli ka go’an tahay qabashada shirweyne mideeya bulshada Soomaaliyeed, isla markaana horseeda wadahadal miro-dhal ah oo wax ku ool u ah mustaqbalka dalka.
“Golaha waxaa weli ka go’an xoojinta wada-hadal loo dhan yahay, horumarinta is-afgaradka qaran iyo in dalka laga badbaadiyo qalalaase siyaasadeed iyo firaaq dastuuri ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.
Goluhu wuxuu caddeeyay in ay muhiim tahay in shirka loo qabto si hufan, loogana soo saaro go’aamo macno leh oo wax ka tari kara xaaladda siyaasadeed iyo is-afgaradka qaran.
Dib-u-dhigista shirweymaha ayaa imaneysa xilli goluhu shirar goos-goos ah uga socdo magaalada Nairobi, kuwaas oo lagu falanqeynayo ajandayaasha muhiimka ah ee shirka weyn iyo xaaladda ka taagan dalka.
Sidoo kale, golaha ayaa qorsheynaya in shirweynaha xiga lagu qabto magaalada Gaalkacyo toddobaadyada soo socda, marka la soo afmeero kulamada haatan ka socda magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dadaallada socda, isla markaana ay ka qayb qaataan dhismaha mustaqbal wadajir ah oo ku saleysan midnimo, wadatashi iyo horumar.

