Muqdisho (Adduun Onlne) – Waxaa maanta si rasmi ah Xarunta Villa Soomaaliya uga furmay shirka u dhexeeya madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Golaha Mustaqbalka, kaas oo looga hadlayo xaaladda dalka.
Shirka ayaa ku billowday hab-maamuus sare oo uu hoggaaminayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana sidoo kale goobjoog ah Ra’iisul wasaare Xamza, taliyaha NISA iyo qaar kamid ah Golaha Wasiirrada.
Sidoo kale, waxaa shirkan oo xasaasi ah ka qeyb-galaya dhammaan madaxda ugu sarreysa ee Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxweynayaasha maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Puntland oo lagu soo dhaweeyay Madaxtooyada Qaranka.
Furitaanka shirka maanta ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, iyada oo kadib loo gudbi doono ka doodista qodobada la isku waafaqsan yahay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in doodaha ugu adag ee la isku mari la’yahay, sida hannaanka doorashooyinka iyo wax-ka-beddelka Dastuurka Kumeel-gaarka ah, loo dib-dhigay maalinta berri ah iyo wixii ka dambeeya. Qodobadan ayaa ah xudunta khilaafka siyaasadeed ee hadda taagan, waxaana la filayaa in doodo kulul ay hareeyaan fadhiyada soo socda.
Dhinaca kale, ammaanka ayaa si weyn loo adkeeyay iyada oo maanta la xiray inta badan waddooyinka gala Madaxtooyada, si loo sugo amniga, oo ay horay u damaanad qaaday dowladdu, kadib dalab ka yimid Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo muddo diidanaa in shirka lagu qabto Villa Somalia, balse dadaal dheer kadib aqbalay.
Qabsoomidda shirka maanta ee gudaha Xarunta Madaxtooyada ayaa loo arkaa guul siyaasadeed oo u soo hoyatay Villa Somalia, waxaase laga war dhowrayaa natiijada kasoo bixi doonto wada-hadallada bilaabanaya oo kusoo aaday xilli xasaasi ah.
Si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirkan ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafyada ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.

SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
