Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta ka dhacaya Villa Somalia - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Shirka DF iyo Golaha Mustaqbalka oo maanta ka dhacaya Villa Somalia


Muqdisho (Adduun.com) – Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ee maanta uu si rasmi ah u furmo shirka u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Mustaqablka oo ugu dambeyn la qorsheeyay inuu ka dhaco xarunta Villa Soomaaliya oo ay isugu tegi doono madaxda Soomaaliyeed.

Wararka ayaa sheegaya in is araggii shalay ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha Golaha Mustaqbalka oo ay ku jiraan madaxda maamullada Jubbaland iyo Puntland lagu go’aamiyay in wada-hadalladu ka dhacaan Madaxtooyada o u diyaarsan, iyada oo damaanac amni oo buuxda loo fidiyay xubnaha golaha.

Arrintan ayaa ka dhigan in xubnaha mucaaradka iyo guud ahaanba Golaha Mustaqbalka looga guuleystay in shirku ka dhaco gudaha Villa Somalia, halka markii hore madaxda qaar ay ka cagajiidayeen inay galaan Madaxtooyada.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa inoo sheegay in maanta si rasmi ah loo guda-geli doono wada-hadallada, iyada oo diiradda lagu saarayo khilaafka taagan, gaar ahaan qorshaha geedi socodka dalkaoo ugu horreyaan arrimaha doorashooyinka iyo wax ka beddelka Dastuurka kumeel gaarka ah.

Doodo adag ayaa jiri doono, maadaama dhinacyadu ay si wayn ugu kala aragti duwan yihiin qodobada laga wada-hadlayo, waxaase la filayaa in natiijo ay ku gaaraan shirarkooda oo kusoo aaday, xilli xasaasi ah oo baahi wayn loo qabo in la gaaro heshiis mideysan, si looga gudbo marxaladda adag ee lagu jiro.

Shirka ayaa si weyn indhaha loogu hayaa waxaana sidoo kale kor kala socon doonto Beesha Caalamka oo labada dhinac ku cadaadisay qabsoomida kulankooda.

Xalay waxaa sidoo kale Muqdisho isku arkay Ra’iisul wasaare Xamza madaxda maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo muddo dheer uu ka dhexeeyay khilaaf daba dheeraaday, wuxuuna kulanaas muujiyay isku soo dhawaasho saddexda dhinac ah, iyada oo looga hadlay shirweynahooda maanta furmaya.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid ka mid ah caqabadihii ugu adkaa, maadaama ay dhinacyadu isku fahmi la’yihiin hannaanka doorashooyinka iyo wax ka bedelka Dastuurka oo ay weli ku howlan tahay Villa Soomaaliya.

Waxaa kale oo jirta xaalad adag oo ka dhalatay abaaraha baahsan ee ka jira qaybo kamid ah dalka, taas oo si xoogan u saameysay dadka iyo duunyadaba.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard