Muqdisho (Adduun.com) – Waxaa soo idlaaday kulankii maanta ay Villa Soomaaliya ku yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka, kaasoo qaatay saacado badan.
Shirka oo ahaa kii labaad ee ka dhaca Madaxtooyada, waxaa guddoomiyay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo ka qayb-galay Ra’iisul Wasaaraha iyo xubno kale oo muhiim ah oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Dhinaca kale, waxaa ka qayb-galay madaxweynihii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland, ra’iisul wasaarayaashii hore, iyo dhammaan xubnaha kale ee Golaha Mustaqbalka ee horay uga qayb-galay furitaanka kulankii hore ee labada dhinac.
Labada dhinac ayaa dood adag yeeshay, iyadoo kulanka maanta looga hadlay doorashooyinka heer federaal iyo dowlad-goboleed. Madaxda Puntland, Jubaland, iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa dalbaday in la qabto doorashooyinka muddo-dhaafka ah ee maamulada Galmudug, HirShabelle, iyo Koofur Galbeed.
Madaxda Dowladda Federaalka ayaa ka gaabsaday doorashada maamuladaasi, sida ay Adduun.com u sheegeen ilo ku dhow shirka.
Sidoo kale, Dowladda Federaalka ayaa Golaha Mustaqbalka u soo jeedisay in la dhammeystiro doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka dhiman ee dalka, si kadib loo aado doorashooyinka heer federaal.
Mucaaradka ayaa doonaya in la qabto doorashooyin heshiis lagu yahay, halka Dowladda Federaalka ay doorbideyso qabashada doorasho qof iyo cod ah.
Inkastoo dhinacyadu weli isku afgarteen sii wadista wada-hadallada, haddana doodda ku saabsan hanaanka doorashooyinka ayaa ah qodobka ugu adag ee haatan taagan.
Shirkan, oo kusoo beegmay xilli xasaasi ah oo dalku wajahayo abaaro baahsan iyo xaalado bani’aadannimo, waxaa si dhow ula socda Beesha Caalamka, oo cadaadis xooggan ku saartay dhinacyada inay xal ka gaaraan is-mari-waaga siyaasadeed.
Soomaaliya ayaa haatan taagan isgoys siyaasadeed oo xasaasi ah, iyadoo natiijada kasoo baxda shirka labada dhinac ay go’aamin doonto jihada siyaasadeed ee dalka iyo xallinta khilaafaadka ragaadiyay geeddi-socodka dowlad-dhiska.
