Muqdisho (Adduun.com) – Xubnaha Golaha Mustaqbalka Soomaaliya oo ka kooban Jubbaland, Puntland iyo Madasha Samatabixinta Mucaaradka ayaa galabta shir xasaasi ah uga furmay gudaha xerada Xalane ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho, kaas oo looga hadlayo xaaladda cakiran ee dalka.
Xubnaha mucaaradka oo ay ugu horreeyaan madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaareyaashii hore Xasan Cali Khayre iyo Maxamed Xuseen Rooble ayaa goor dhow gudaha u galay xeyndaabka garoonka ee Xalane, iyaga oo u hoggaansamay habraaca amniga ee xerada, waxayna tageen ka hor 5:00 PM.
Golaha ayaa haatan waxaa u socdo shir xasaasi ah oo ay la leeyihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo dhex deggan hoteel ku yaalla halkaasi, waxayna ka arrinsanayaan is mari-waaga siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya.
Afhayeenka Madasha Samatabixinta oo hadal kooban siiyay Shabelle Tv ayaa sheegay in shirkan ka mid yahay kulamdooda caadiga ah, uuna hordhac u yahay shirka guud ee ay dhawaan la gali doonaan kooxda Villa Soomaaliya.
“Shirkan waa shirarkii Golaha Mustaqbalka ee beryahan socday, waana shir caadi ah si caadi ah ayuuna u dhacayaa waxaan rajeynayaa inuu si guul ah noogu dhammaado” ayuu yiri Injineer Beyle oo ah afhayeenka mucaaradka.
Waxaa kale oo uu sii raaciyay “Kulamadan waxaa kale oo ay hordhac u yihiin wada-hadallada loo ballansan yahay, horay dowladda ayaa hor istaag ugu sameysay”
Dhinaca kale, waxaa shirkan ka horreeyay kulamo kale oo maanta dhex-maray madaxweynayaasha Jubbaland, Puntland, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, kuwaas oo iyana looga hadlayo xaaladda dalka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan lagu jiro.
Soomaaliya ayaa haatan wajaheysa mid kamid ah caqabadihii ugu adkaa, waxaana la’isku hayaa hannaanka doorashooyinka guud ee dalka iyo wax ka beddalka Dastuurka oo ay isku fahmi la’yihiin Vila Soomaaliya iyo mucaaradka.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
