Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Muqdisho - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Shil diyaaradeed oo ka dhacay garoonka Muqdisho


Muqdisho (Adduun.com) – Waxaa goordhoweyd garoonka caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho shil ku gashay diyaarad ay leedahay shirkadda Star Sky.

Diyaaradan ayaa kamid ah kuwa gobollada dalka u duulla, waxaana wararka aan helayno sheegayaan in markii ay ka kacday garoonka Muqdisho ay markiiba ku dhacday badda.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in shilku uu ahaa mid farsamo, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Diyaaradda ayaa ku sii jeedday magaalooyinka Guriceel iyo Gaalkacyo ayaa waxaa saarnaa 50 rakaab ah iyo shaqaale diyaaradeed.

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in aysan jirin cid wax ku noqotay shilka, iyadoo dhammaan rakaabkii saarnaa ay ka badbaadeen.

Mas’uuliyiinta shirkadda Star Sky ayaa xaqiijiyay in rakaabka iyo shaqaalihii saarnaa diyaaradda ay nabad qabaan, isla markaana aanay jirin wax dhaawac ah oo la soo wariyay.

Maamulka garoonka iyo hay’adaha amniga ayaa haatan bilaanay baaritaanno lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee dhacdada.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard