Muqdisho (Adduun.com) – Dowladda Shiinaha ayaa maanta deeq lacageed iyo raashiin ku wareejisay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Hay’adda SoDMA, kadib munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa si rasmi ah uga guddoomay safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Mudane Wang Yu, deeq lacageed oo dhan 2 milyan oo dollar iyo raashin loogu talagalay in lagu caawiyo dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira dalkeenna.
Danjir Wang Yu oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto taageerada ay siiso shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan gurmadka abaaraha, iyo ka hortagga musiibooyinka kale ee ka dhaca dalka.
Sidoo kale wuxuu tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo iskaashiga labada dal ee dhinaca gargaarka iyo horumarinta bulshada, si loo caawiyo dadka danta yar iyo barakacayaasha ku sugan gudaha dalka.
Dhankiisa Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Shiinaha taageerada joogtada ah, isaga oo sheegay in deeqdan lagu caawin doono dadka ku nool 72 degmo oo ka tirsan gobollada dalka kuwaas oo ay saameysay abaarta, gaar ahaan 45 degmo oo xaalad degdeg ah ku sugan.
Wuxuu sidoo kale xusay in taageeradan ay muhiim u tahay ilaalinta nolosha dadka abaaraha saameeyeen, gaar ahaan carruurta, haweenka, iyo qoysaska nugul.
Shiinaha ayaa kamid noqonaya dowladaha waa wayn ee sida deg-dega ah ee kasoo jawaabay dalbka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aadan wax ka qabaqashada xaaladaha bani’aadanimo ee ka jira gudaha dalka.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka jira abaaro baahsan oo saameeyay dadka iyo duunyada, iyadoo meelaha laga soo warinayo xaalado dhimasho ah.

