Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Shiinaha oo dhowr hab oo cajiib ah u caawinaya Iiraan xilli ay ku jirto dagaal culus - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Shiinaha oo dhowr hab oo cajiib ah u caawinaya Iiraan xilli ay ku jirto dagaal culus


Beijing (Adduun.com) — Xukuumadda Beijing ayaa muddo dheer ahayd saaxiib istaraatiiji ah oo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ka saaciday inay u adkeysato tobannaan sano oo cunaqabateyn dhaqaale iyo go’doomin caalami ah ah.

Tan iyo markii milateriga Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen inay duqeeyaan Iiraan dabayaaqadii bishii hore, Shiinuhu wuxuu xukuumadda Tehran u muujiyay taageero fagaare ah oo xaddidan, isagoo cambaareeyay dilkii loo geystay hoggaankii Iiraan, dhinacyadana ugu baaqay inay dagaalka si degdeg ah u joojiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, taageerada qarsoon ee soo jireenka ah ee Shiinuhu siiyo Iiraan ayaa noqon karta mid xasaasi ah oo sii kordheysa xilli uu dagaalku sii daba-dheeraanayo.

Taageerada dhaqaale

Shiinaha ayaa ah isbahaysiga dhaqaale ee ugu muhiimsan ee ay Iiraan leedahay. Qiyaastii boqolkiiba 90% dhoofinta shidaalka ceyriin ee Iiraan, oo gaaraya 1.6 milyan oo fuusto maalintii, ayaa si toos ah looga iibiyaa Shiinaha, taas oo Tehran siisa dakhli u dhigma tobannaan bilyan oo doolar sanad kasta.

Xukuumadda Beijing ayaa u iibsata shidaalka Iiraan si ay u taageerto xulafadeeda iyo waliba iyadoo ku hesha qiimo dhimis aad uga jaban suuqa caalamka.

Falanqeeyayaasha dhaqaalaha ayaa ku qiyaasay in shidaalka Iiraan uu ka dhigan yahay boqolkiiba 12% wadarta shidaalka uu Shiinuhu dibadda kala soo dego. Shidaalkan ceyriin ayaa waxaa inta badan iibsada warshadaha yaryar ee madax-bannaan ee sifeeya shidaalka gudaha Shiinaha, kuwaas oo loo yaqaano “Teapots”, ayna xukuumaddu maamusho kootada ay wax ku soo dhoofsadaan.

In kasta oo Shiinuhu uusan aqoonsaneyn sharcinimada cunaqabateynta Mareykanka, haddana wuxuu doonayaa inuu ilaashado fursad uu isku dafiri karo, maadaama Beijing ay ka cabsi qabto in shirkadaheeda waaweyn lagu soo rogo ganaaxyo dhanka Mareykanka ah haddii ay si fagaare ah ula macaamilaan shidaalka cunaqabateyntu saaran tahay.

Sidaa darteed, xukuumaddu waxay dhiirrigelisaa in warshadaha yaryar ee madax-bannaan ay iibsadaan shidaalka Iiraan, beddelkii ay ka iibsan lahaayeen shirkadaha waaweyn ee dowladda, maadaama shirkadaha yaryari aysan ku xirneyn suuqyada maaliyadda ee caalamka, sidaas darteedna aysan saameyn ku yeelan doonin cunaqabateyn kasta oo ka timaada Mareykanka. Asalka iyo halka uu ka yimid shidaalkan ayaa sidoo kale inta badan ah mid ay qariyaan dalaaliinta suuqyada madow.

Sida ay sheegayaan saraakiisha Mareykanka, Iiraan ayaa adduunka ku maamusha shabakad maaliyadeed oo dadban oo aad u adag, taas oo uu si weyn u fududeeyo Shiinuhu. Warshadaha yaryar ee sifeeya shidaalka ayaa shidaalka Iiraan ku bixiya lacagta Shiinaha ee Yuan, xukuumadda Tehran-na waxay lacagtaas qaarkeed u isticmaashaa inay gudaha Shiinaha uga iibsato badeecado markaas kadib loo dhoofiyo Iiraan.

Qayb ka mid ah dakhliga shidaalka ayaa loo adeegsadaa nidaam u eg isdhaafsi, kaas oo iibsadayaasha shidaalka Shiinaha ay lacagaha ugu wareejiyaan shirkado ay dowladda Shiinuhu taageerto si ay mashaariic kaabeyaal dhaqaale uga fuliyaan gudaha Iiraan.

Lacagta ka soo xaroota iibka shidaalka ayaa sidoo kale dhex marta shabakad shirkado macmal ah oo qaabilsan wareejinta lacagaha, kuwaas oo inta badan sii mara hay’adaha maaliyadeed ee Shiinaha, una gudba dhanka Hong Kong, ka hor inta aan loo beddelin lacago kale oo caalami ah.

Saraakiisha Mareykanka ayaa xusay in inta badan lacagta ka timaada iibka shidaalka Shiinaha ay ku harto xisaabaad banki oo dibadda ah, oo ku yaalla xarumaha maaliyadeed sida Hong Kong, Dubai iyo Singapore. Xukuumadda Hong Kong ayaa dhankeeda beenisay in loo adeegsado ka-dhuumashada cunaqabateynta.

Taageerada agabka hubka

Dhanka kale, Shiinaha ayaa mar ahaa dalka ugu weyn ee hubka siiya Iiraan intii uu socday dagaalkii Ciraaq ee 1980-meeyadii, balse wuxuu joojiyay oggolaanshaha heshiisyada hubka waxyar uun ka hor intii aysan Beijing ku biirin cunaqabateyntii Qaramada Midoobay ee Iiraan sanadkii 2007, sida ay sheegtay Hay’adda Cilmi-baarista Nabadda Caalamiga ah ee Stockholm.

Si kastaba ha ahaatee, saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in shirkadaha Shiinuhu ay weli yihiin kuwa siiya Iiraan qalabka “labada ujeedo loo adeegsan karo” ee loo isticmaali karo arrimo milateri, sida matoorada lagu xiro diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Shahed, kiimikooyinka laga sameeyo shidaalka gantaallada iyo aaladaha elektiroonigga ah ee hubka kala duwan.

Bishii Diseembar, Pentagon-ka Mareykanka ayaa shaaciyay in shirkado ganacsi oo dhanka dayax-gacmeedka ah oo fadhigoodu yahay Shiinaha ay is-weydaarsadeen ganacsi ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iiraan.

Sanadkii la soo dhaafay, wargeyska The Wall Street Journal ayaa weriyay in laba markab oo xiriir la leh shirkad ay dowladda Iiraan leedahay ay ka shiraacdeen Shiinaha iyagoo sida 1,000 tan oo ah maaddo loo adeegsan karo sameynta maaddada adag ee gantaallada oo ku filan in lagu sameeyo ilaa 260 gantaal oo ah kuwa riddada dhexe.

Bartamihii sanadka 2025, Iiraan ayaa kumanaan tan oo ah waxyaabaha laga sameeyo shidaalka gantaallada ka dalbatay Shiinaha. Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in aysan ka warqabin dalabaad gaar ah, balse waxay ku adkeysatay inay si adag u maamusho alaabaha labada ujeedo loo isticmaali karo.

Maalmo uun kadib markii Mareykanka iyo Israa’iil ay bilaabeen weerarada ka dhanka ah Iiraan, laba markab oo kale oo ku xiran isla shirkadda Maraakiibta Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa ka baxay deked ku taalla Shiinaha.

Dhaqdhaqaaqa maraakiibtaas ayaa kor u qaaday cabsida laga qabo in shirkadaha Shiinuhu ay Iiraan siinayaan kiimikooyin horleh oo loo adeegsado shidaalka gantaallada, inkastoo aan si dhab ah loo xaqiijin xamuulka ay sidaan.

Marka laga yimaado taageerada maadiga ah, Shiinaha ayaa sidoo kale Iiraan ka saaciday inay dhisto xiriirro diblomaasiyadeed oo caalami ah si ay u yareyso go’doominta saaran.

Sanadkii 2023, Beijing ayaa dhex-dhexaadisay soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Iiraan iyo Sacuudi Carabiya, taas oo xilligaas loo arkayay tallaabo weyn oo Shiinuhu uu u qaaday dhanka diblomaasiyadda Bariga Dhexe, in kasta oo heshiiskaasi uu haatan si weyn u wiiqmay kadib weeraradii Iiraan ay ku qaadday Sacuudiga iyo dalalka kale ee gobolka.

Sidoo kale, Shiinaha ayaa u ololeeyay in Iiraan ay ku biirto ururka dhaqaale ee BRICS sanadkii 2024. Sidoo kale, Iiraan ayaa ku biirtay Ururka Iskaashiga Shanghai (SCO) oo ah urur ammaan oo ay hoggaamiyaan Beijing iyo Moscow sanadkii 2023, iyadoo bishii Diseembar martigelisay dhoolla-tusyo dhanka la-dagaallanka argagixisada ah oo ay kala qaybgaleen ciidamo ka socda dalalka xubnaha ka ah ururkaas.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard