Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Sheekh Shariif iyo Kheyre oo u guuray Xalane iyo arrinta ka dambeysa - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Sheekh Shariif iyo Kheyre oo u guuray Xalane iyo arrinta ka dambeysa


Muqdisho (Adduun.com) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa u guuraya xayndaabka garoonka Muqdisho ee xerada Xalane, sida ay ogaatay Adduun.com.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo kamid hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa isna u guuraya Xalane, halkaas oo ay degan yihiin madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Illo ka agdhaw labada mas’uul ayaa noo sheegayo in sababta ka dambeysa inay u guuraan Xalane ay tahay si uga baaqsadaan culeysyada uga iman kara Dowladda Federaalka, oo dhawaan ka celisay xayndaabka garoonka.

Mas’uuliyiin ay kamid yihiin Shariif iyo Kheyre oo ka tirsan Golaha Mustaqbalka ayaa dhawaan, goor habeen dib looga celiyay xayndaabka garoonka, xilligaas oo kulamo muhiim ah la lahaayeen Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Axmed Madoobe.

Dowladda Federaalka ayaa hanaanka gelitaanka xayndaabka garoonka ee gudaha Xalane, taas oo xubnaha Golaha Mustaqbalka u arkaan mid looga dan leeyahay xadidaada dhaq-dhaqaaqooda, xilli hotelka Airport ee gudaha Xalane ay ku sugan yihiin madaxda Puntland iyo Jubaland oo u yimid wada-hadallada Villa Soomaaliya.

Si kastaba, xiisadd siyaasadeed ee dalka ayaa kasii dareysa, xilli aan weli la cayimin goorta ay furmayaan wada-hadallada masiiriga ah ee u dhaxeeya Madaxda Dowladda Federaalka iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo madaxda Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa inay maanta kulan qado ah ku yeeshaan hotelka Decale ee ku yaalla gudaha garoonka Muqdisho, si la iskula qaadaa-dhigo halka ay ka dhacayaan wada-hadallada iyo weliba goorta uu furmayo shirka.

Doodda ugu xooggan ayaa weli ka taagan halka lagu qabanayo wada-hadallada, iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu doonayo in shirka lagu qabto Villa Soomaaliya, halka Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay u arkaan in goobta ugu habboon ee shirka lagu qaban karo ay tahay gudaha Xalane, taas oo dib u sii ridday furitaanka shirka.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard