Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Sheekh Bashiir, Umal iyo culimo waaweyn oo bayaan culus soo saaray, dalbadayna in la qabto… - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Sheekh Bashiir, Umal iyo culimo waaweyn oo bayaan culus soo saaray, dalbadayna in la qabto…


Muqdisho (Adduun.com) – Culimada Soomaaliyeed kuwooda u waaweyn ayaa bayaan ka soo saaray xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka siyaasadeed ee taagan, midnimada dalka iyo abaaraha.

Culimadan oo ay kamid yihiin Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sh Maxamed Cabdi Umal, Sh Dr Maxamuud Maxamed Shibli, Sh Maxamuud Ciise Maxamuud iyo Sh Maxamed Idriis Axmed ayaa ku baaqay in khilaafaadka siyaasadeed ee jira heshiis dhab ah laga gaaro, isla markaan qodobada la isku hayona laga heshiiyo.

“Haddii ay dhici weydo in heshiis la gaaro, xalka qayb ha laga siiyo hoggaanka bulshada, si meesha looga saaro damacyada ku dhisan sad-bursiga iyo kala aragti duwanaanta, loona helo jiho kale oo dhex-dhexaad noqon karta,” ayaa lagu yiri bayaanka culimada.

Sidoo kale, culimada ayaa muujiyay muhiimada in dhinacyadu isla qaataan hannaan doorasho oo hufan sharci ahaan iyo hannaan ahaan labadaba, una adeegaya danaha shacabka, meeshana laga saaro kalsooni xumada, talo maroogsiga iyo jiilaafyo siyaasadeed, dalkana looga turo inuu galo qalaalaaso siyaasadeed.

“Maadaama xilli kooban ka harsan yahay muddo xileedka xukuumadda hadda talada haysa, aysan ilaa iyo hadda jirin hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay oo dalku qaado, waxaa lagama maarmaan ah, in dhinacyadu isla qaataan hannaan doorasho.”

Waxay cod dheer ugu baaqeen odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culumada, aqoonyahanka kale iyo dhammaan qaybaha bulshada inay dareemaan marxaladda adag ee dalku marayo, ayna ka yeeshaan kulamo gaar ah, inta aan xaaladdu faraha ka bixin, madaxda Dowladdana kula xisaabtamaan xilka ay u igmadeen.

“Ilaalinta madax-bannaanida dalka waa waajib saaran muwaadin kasta, gaar ahaan madaxda u dhaaratay xilkaas culus, haddaba waa inaan marnaba la oggolaan, wax kasta oo farogelin dibadeed ah.”

Hoos ka aqriso bayaanka oo dhameystiran:

بسم الله الرحمن الرحيم
BAYAANKA CULUMADA SOOMAALIYEED EE KU AADAN XAALADDA DALKA

Mahad dhammaanteed waxaa iska leh Allaha weyn, suubaneenii Nebi Muxammed, nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato, Intaas kadib:

Culumada Soomaaliyeed iyagoo ka duulaya waajibka ka saran ilaalinta danaha guud ee umadda, kana ambaqaadaya xaaladaha qallafsan ee dalku maanta marayo sida:

Khilaafka siyaasadeed, midnimada dhaawacan, faragelinta siyaasadeed, xaaladaha amni, abaaraha baahsan ee jira, duruufaha dhaqaale, tahriibka faraha ka baxaya, qalaalaasaha siyaasadeed ee 35 sano soo jiitamayey, kalaguurka iyo fawdada adduunku u jiheystey.

Waxay soo saareen bayaankan ku wajahan madaxda Soomaaliyeed ee u ballansan shirka lagu qabanayo magaalada Muqdisho, kuwa deegaannada kale jooga, hoggaamiyayaasha bulshada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedka bayaanku yahay tilmaam iyo toosin.

Qodobada bayaanka

  1. Ugu horrayn dhammaan umadda Muslimka ah ee baaqani uu gaaro, gaar ahaan Soomaalida, waxaan xusuusinaynaa ku dhaqanka cabsiida Rabbi, iyo in maanka lagu hayo inay inaku soo aadan tahay maalinta la hortagi doono Maxkamadda Rabbi, xisaab iyo abaalmarinna ay jiri doonto.
  2. Culayska mas’uuliyadda: Si gaar ah waxaan xusuusinaynaa madaxda Soomaaliyeed heer federaal iyo heer State, culayska uu leeyahay xilka ay u qaadeen ummaddan, dhaartii ay magaca Allah ku mareen, xisaabta aakhiro ee sugaysa iyo inay u turaan bulshada ay mas’uulka ka yihiin, ogaadaanna haddii xaaladaha qallafsan ee dalku maanta marayo aysan ka badbaadin inay eeddeeda qaadi doonaan adduunka iyo aakhiroba.
  3. Midnimada dalka: Madaxda dalku waa inay u midoobaan ilaalinta midnimada dalka, aan la oggolaan wax kasta oo dhaawacaya midnimada iyo wadajirka dalka, arrimaha yimaadana lagu wajaho midnimo iyo wada tashi.
  4. Madaxbannaanida dalka: Ilaalinta madax-bannaanida dalka waa waajib saaran muwaadin kasta, gaar ahaan madaxda u dhaaratay xilkaas culus, haddaba waa inaan marnaba la oggolaan, wax kasta oo farogelin dibadeed ah.
  5. Khilaafka Siyaasadeed: Waxaan ku baaqaynaa in khilaafaadka siyaasadeed ee jira heshiis dhab ah laga gaaro, qodobada la isku hayona laga heshiiyo, haddii ay dhici weydo xalka qayb laga siiyo hoggaanka bulshada, si meesha looga saaro damacyada ku dhisan sad-bursiga iyo kala aragti duwanaanta, loona helo jiho kale oo dhex-dhexaad noqon karta.
  6. Doorashooyinka dalka: Maadaama xilli kooban ka harsan yahay muddo xileedka xukuumadda hadda talada haysa, aysan ilaa iyo hadda jirin hannaan doorasho oo heshiis lagu yahay oo dalku qaado, waxaa lagama maarmaan ah, in dhinacyadu isla qaataan hannaan doorasho oo hufan sharci ahaan iyo hannaan ahaan labadaba, una adeegaya danaha shacabka, meesha laga saaro kalsooni xumada, talo maroogsiga iyo jiilaafyo siyaasadeed, dalkana looga turo inuu galo qalaalaaso siyaasadeed.
  7. Madaxweynaha: Culumadu waxay si gaar ah u xusuusinayaan madaxweynaha dalka Dr Xasan Sheekh Maxamuud, mudane madaxweyne maanta dalku wuxuu marayaa marxalad aad u adag, culaysyo badan ayaana jira, sida aan ku tilmaannay arrarta bayaanka, sidaas awgeed waa inaad qaaddaa kaalinta odaynimo oo leh dulqaad, tanaasul iyo keenid xal dalka iyo dadkaba badbaadin kara, maantana waa maalintii taariikhda ku gali lahayd, aakhirona Allah ku weydiin doono, haddii aad ku guuleysatana ajar weyn aad ka heli doontid, marka fursaddaasi yeysan ku dhaafin.
  8. Hoggaanka bulshada: Waxaan cod dheer ugu baaqaynaa odayaasha dhaqanka, ganacsatada, culumada, aqoonyahanka kale iyo dhammaan qaybaha bulshada inay dareemaan marxaladda adag ee dalku marayo, ayna ka yeeshaan kulamo gaar ah, inta aan xaaladdu faraha ka bixin, madaxda Dowladdana kula xisaabtamaan xilka ay u igmadeen.
  9. Abaaraha jira: Sida aan wada ogsoonnahay dalka maanta waxaa ka jira abaar baahsan, deegaannada qaarkoodna culays siyaado ah ayaa laga soo sheegayaa, haddaba waxaan ugu baaqaynaa dowlad iyo shacab labadaba in si wada jir ah loogu istaago arrinka gurmad weynna la fidiyo, dowladaha heer federaal iyo heer state-ba xil weyn la iska saaro badbaadinta dadka iyo duunyadaba.
  10. Gunaanad: Culumadu waxay ka rajeynayaan dhammaan dhinacyada baaqani ku socdo inay Allaah uga cabsadaan mas’uuliyadaha kala duwan ee ay umadda u hayaan, qof kastana uu kaalintiisa ka qaato xal u helidda arrimaha ku xusan baaqa culumada, waxaana Allaah weydiisanaynaa inuu dhammaanteen inagu aadiyo tubta iyo talada toosan. Aamiin.
    وبالله التوفيق

Culumada baaqa soo saaray:
1. Sh Bashiir Axmed Salaad.
2. Sh Maxamed Cabdi Umal
3. Sh Dr Maxamuud Maxamed Shibli.
4. Sh Maxamuud Ciise Maxamuud.
5. Sh Maxamed Idriis Axmed.
6. Sh Dr C/raxmaan Sheekh Cumar.
7. Sh Daahir Aw-cabdi C/raxmaan.
8. Sh Dr Maxamuud Sh Axmed Xasan (Abuu sheyba)
9. Sh Axmed-daahir Xasan Xuseen.
10. Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf Maxamuud.
11. Sh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil.
12. Sh Axmed Maxamed Saleemaan.
13. Sh C/waaxid Xaashi Xasan.
14. Sh Maxamed Cismaan Calasoow.
15. Sh Maxamed Macallin Axmed.
16. Shariif Maxamed C/raxmaan (Shariif Dawiil).
17. Sh Maxamed C/llaahi Xoosh.
18. Sh Mukhtaar Axmed Faarax.
19. Sh Cali Aadan Isxaaq.
20. Sh Axmed C/samad Cabdulle.
21. Sh Fu’aad Maxamuud Xaaji-nuur.
22. Sh Xasan Maxamed Ibraahim (Abuu xassaan).
23. Sh Aadan Sheekh Cabdulle Diiriye
24. Sh Dr Aadan Sh Cali Saalax.
25. Sh Dr C/raxmaan Sh C/llaahi Cumar Baarakallaah.
26. Sh Dr Aadan Sh Saciid Macallin Aadan (Bardaale).
27. Sh Dr Haaruun Sh Xuseen Cabdi.
28. Sh C/fataax Xasan Axmed (Shimbiroow).

اللهم هل بلغت، اللهم فاشهد

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard