Muqdisho (Adduun.com) – Qorshaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dooneyso in lagu meel-mariyo cutubyada dhiman ee dastuurka dalka ayaa shaki xooggan laga muujiyay, xilli bilooyin kooban ka harsan yihiin muddoo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.
Waxaa isa soo taraya walaaca laga muujinayo dedejinta qorshaha wax ka beddelka dastuurka, iyadoo soo baxayaan baaqyo looga digayo cawaaqibka ka dhalan kara deg-degga lagu hayo dukumeentigan masiiriga ah.
Xildhibaan Maxamed Aadan Daahir (Caanooy) oo ka mid ah Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa walaac xooggan ka muujiyay hannaanka Villa Somalia u wado wax-ka-beddelka dastuurka.
Sidoo kale wuxuu su’aal geliyey suurtagalnimada in muddo hal usbuuc ah lagu akhriyo, laguna ansixiyo dastuur qaran, isagoo yiri: “Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee ummadda, mana aha dukumeenti lagu dedejin karo. Go’aan kasta oo aan wada-tashi lahayn wuxuu dhaawacayaa mustaqbalka qaranka.”
Xildhibaanka ayaa dalbaday in la helo waqti ku filan iyo dood hufan oo ay qeyb ka yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda, xilli Madaxweynaha Soomaaliya uu dhawaan fidiyay gogol wadatashi qaran, taas oo qorshuhu yahay in magaalada Muqdisho ka qabsoomto 1-da Febraayo 2026.
Walaacan ayaa imanaya xilli horey ay u qaaddaceen hawsha dib-u-eegista dastuurka maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyo sidoo kale xubno ka tirsan mucaaradka oo aaminsan in Madaxtooyadu ku koobeyso gacanteeda go’aannada masiiriga ah ee dalka.
Arrimaha la xiriira Dastuurka Soomaaliya ayaa galay xaalad aad u nugul, iyadoo sanadka 2026 loo arko mid door weyn ka ciyaari doona jihada mustaqbalka nidaamka federaalka iyo deggenaanshaha siyaasadeed ee dalka.
Hoos ka aqriso qoraalka xildhibaanka oo dhameystiran:
Dastuur qaran laguma dhiso degdeg, lagumana ansixiyo waqti la’aan.
Ma hal asbuuc ayaa lagu akhriyi karaa laguna ansixin karaa Dastuur qaran?
Annaga oo ah xildhibaano, asbuuca soo socda ayaa naloo keenayaa Dastuurka Qaranka, iyadoo hal asbuuc oo keliya laga doonayo in lagu falanqeeyo lana ansixiyo. Taasi waa arrin layaab leh oo walaac dhalinaysa.
Dastuurku waa heshiiska ugu sarreeya ee ummadda, mana aha dukumeenti lagu dedejin karo. Go’aan degdeg ah wuxuu dhaawacayaa kalsoonida, doorka Baarlamaanka, iyo mustaqbalka dalka.
Dastuur qaran wuxuu u baahan yahay waqti, dood, iyo daahfurnaan — ma aha degdeg.
Sidaa awgeed, waxa aan ku baaqayaa:
1. In la helo waqti ku filan oo dastuurka lagu akhriyo laguna falanqeeyo,
2. In la furo dood qaran oo hufan,
3. In aan la dedejin go’aan saameynaya mustaqbalka qaranka.