Realtime website statisticsrealtime web visitor analytics chat support Senator Sareedo oo live ka soo gashay xarunta BF - Adduun.com
Connect with us
hitsteps realtime visitors dashboard

News

Senator Sareedo oo live ka soo gashay xarunta BF


Muqdisho (Adduun.com) – Senator Sareedo Jayte oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo live kasoo dhex-gashay xarunta Villa Hargeysa oo uu ka socdo shir ay leeyihiin labada Gole ayaa soo tabisay waxa meesha ka jira, maadaama weli xiisad ay ka taagan tahay Baarlamaanka.

Sareedo oo soo bandhigtay muuqaalka guud ee xarunta ayaa muujinayo xaalad weli ka taagan gudaha, inkastoo ciidankii laga saaray golaha dhexdiisa.

Senatoradda ayaa sheegtay in xildhibaannada ay ku mashquulsan yihiin anisixinta Dastuurka, isla markaana ay rabaan muddo kordhin laba sano ah, balse iyadu ay taasi kasoo horjeedo, sida ay ka sheegtay muuqaalka.

“Aniga labo bilood ayaa ii hartay kaliya, laakiin Xildhibanada ansixinaya Dastuurka waxay aaminsan yihiin in laba sano u hartay” ayay tiri Sareedo.

Marka aad si guud u fiiriso xaaladda ayaa yare ka deggan sidii hore, waxaana kulanka maanta aan xaadirin inta badan xubnaha mucaaradka, iyada oo ku dhawaad 50 mudane la ganaaxay 12 kulan oo xiriir ah, sababo la xiriira ku lug lahaanshaha qalalaasihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Xarunta Villa Hargeysa.

Guddoonka sare ee Baarlamaanka ayaa toos u guda galay ansixinta ajendaha, waxaana hadda xidhibaannada ay ka doodayaan qodobo ka mid ah cutubka 4-aad ee Dastuurka KMG ka ah, iyagoo kadib usii gudbi doono 5-aad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada muxaafadka oo la wareegay aqlabiyadda Baarlamaanka ayaa hada jeedinaya khudbado, iyaga oo u ololeynayo wax ka beddalka Dastuurka.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad xasaasi ah, waxaana dib u dhacay wada-hadalladii la filayay inay u bilowdaan Villa Somalia iyo Golaha Mustaqbalka oo qorshuhu ahaa in heshiis ay ku garaan labada dhinac.

Click to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Advertisement

More in News

hitsteps realtime visitors dashboard