Washington (Adduun.com) — Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Senator Jim Risch, ayaa sheegay inuu aad uga walaacsan yahay warar soo baxaya oo tilmaamaya in Somaliland ay ku lug leedahay fududeynta tababarka maleeshiyada RSF ee dalka Suudaan.
Risch ayaa sheegay in uu ka walaacsan yahay in Itoobiya ay martigelineyso xero tababar oo ay maalgeliso dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, taasoo loogu talagalay ciidamada Gurmadka Degdegga ah ee Suudaan (RSF) iyo in marinada saadka ee ciidamadaas ay sii dhex mari karaan Somaliland.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa X (Twitter-ka), ayuu Senator Risch ku sheegay in tallaabooyinkani ay yihiin kuwo xaaladda sii hurinaya, isla markaana ay sabab u noqon karaan in Mareykanku uu RSF u aqoonsado urur argagixiso shisheeye (FTO), taasoo cawaaqib xun ku yeelan doonta dhinacyada gobolka ee taageerada dadban siiya kooxdan.
Hadalka Risch ayaa yimid kaddib markii wakaaladda wararka ee Reuters ay dhawaan daabacday baaritaan ay ku sheegtay in Itoobiya ay xero qarsoodi ah oo ku taalla xadka Suudaan ku tababareysay kumanaan dagaalyahanno RSF ah, iyadoo la sheegay in taageerada dhaqaale ay bixineyso dowladda Imaaraadka. Hase yeeshee, dowladda Imaaraadka ayaa si adag u beenisay eedeymahaas ku xusan warbixinta.
Dagaalka sokeeye ee Suudaan oo qarxay bishii Abriil 2023, uuna u dhexeeyo ciidamada milatariga dalkaas iyo kuwa RSF, ayaa sababay dhimashada tobanaan kun oo qof iyo barakaca malaayiin kale. Dagaalka ayaa sidoo kale dhaliyay eedeymo culus oo la xiriira xasuuq iyo gabood-fallo ka dhan ah bani’aadannimada, gaar ahaan gobolka Darfur.
Dowladda Mareykanka ayaa horey mowqif adag uga qaadatay kooxda RSF, iyadoo ku eedeysay inay geysatay xasuuq, waxaana cunaqabateyn lagu soo rogay hoggaamiyahooda Maxamed Xamdaan Daqalo (oo loo yaqaan Xameeti) iyo shabakadaha ganacsi ee ku xiran.
Tallaabada uu Senator Risch ku xusay Somaliland ayaa sidoo kale ah mid xasaasi ah, maadaama uu Senatarku yahay mid ka mid ah xubnaha ugu saameynta badan ee Congress-ka Mareykanka ee u ololeeya xoojinta xiriirka Washington iyo Somaliland.
Risch ayaa horey u taageeray sharciyo lagu dhiirrigelinayo iskaashi ballaaran oo dhex mara Mareykanka iyo Somaliland, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo horumarinta, in kastoo uusan gaarsiisnayn heer aqoonsi caalami ah.
Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991-kii balse aan weli helin aqoonsi caalami ah, ayaa ku taalla marin istiraatiiji ah oo ku yaalla Gacanka Cadan. Dekedda Berbera oo ay maalgelin ku sameysay shirkadda DP World ee laga leeyahay Imaaraadka, ayaa ahayd udub-dhexaadka xiriirka dhaqaale ee Somaliland iyo Imaaraadka.
Falanqeeyayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in digniinta Senator Risch ay caqabad ku noqon karto ololaha Somaliland ee Washington, maadaama ay ku soo beegmayso iyadoo magaca Somaliland — xitaa haddii ay tahay si dadban — lala xiriiriyay eedeymo ku saabsan marinada hubka iyo taageerada dagaalka Suudaan iyo xasuuqa halkaas ka socda.
Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa marar badan iska fogeeyay eedeymaha noocaan ah, iyagoo ku tilmaamay kuwo aan sal iyo raad toona lahayn.
SIRDOON & QISO
Basaaskii maxaabiista Gaza beegsan jiray |
