Tehran (Adduun.com) — Toddobaadkii ugu horreeyay ee uu qarxay dagaalka Iiraan, in ka badan toban dowladood ayaa si toos ah iyo si dadbanba ugu dhex milmay colaadda, iyadoo dalal kalena ay qarka u saaran yihiin inay ku biiraan.
Haddii quwadaha waaweyn ee caalamka sida Shiinaha ama Ruushka ay si buuxda usoo farageliyaan arrintan, waxaa jirta khatar weyn oo ah in colaadda gobolku ay isku beddesho mid aad u halis badan.
Cabsida ugu weyn ayaa ah in dagaalku isku beddelo isku-dhac wakiilasho oo dhexmara Mareykanka iyo Ruushka, ama inuu dhasho qalalaase caalami ah oo dhanka tamarta ah, taas oo ku qasbi karta xukuumadda Beijing inay qaadato go’aanno adag.
Hoos waxaa ku xusan falanqeyn ku saabsan dalalka sida gaarka ah isha loogu hayo ee saameynta iyo doorka ku yeelan kara wejiga cusub ee dagaalkan.
Shiinaha
Xukuumadda Beijing ayaa markii ugu horreysay cambaaraysay duqeymaha uu Mareykanku hormuudka ka yahay, iyadoo ku tilmaantay xad-gudub ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.
Waxay sidoo kale ku baaqday in xiisadda la dejiyo intii uu socday kulan degdeg ah oo uu yeeshay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo dhanka kalena si degdeg ah dalka Iiraan uga daadgureysay in ka badan 3,000 oo ah muwaadiniinteeda.
Maadaama Shiinuhu uu boqolkiiba 80% shidaalka uu uga baahan yahay Iiraan uu soo mariyo Marinka Hormuz, xukuumadda Beijing ayaa culeys ku saaraysay Tehran in la damaanad-qaado badqabka isu-socodka marin-biyoodkan istaraatiijiga ah.
Khubaro la hadlay telefishinka NBC News ayaa aaminsan in dagaalka Iiraan uu dedejin doono baahida loo qabo in Shiinaha iyo Mareykanku ay si toos ah uga wada hadlaan colaaddan sii baahaysa.
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, oo Axaddii qabtay shir jaraa’id ayaa dagaalkan ku sifeeyay mid aan marnaba ahayn inuu dhaco, isla markaana aan cidna dan ugu jirin, sida ay tebisay CNN.
Ruushka
Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Moscow ayaa dhankeeda weerarka Mareykanka ku tilmaantay fal-dambiyeed gardarro hubeysan ah oo horay loo sii qorsheeyay, kaas oo lagu qaaday dal madax-bannaan oo xubin ka ah Qaramada Midoobay.
Waxaa soo baxaya warar sheegaya in Ruushku uu Iiraan siinayo xog sirdoon oo u sahlaysa inay bartilmaameedsato ciidamada Mareykanka. Xogtan ayaa ah mid uu Xoghayaha Difaaca Mareykanka Pete Hegseth isku dayay inuu meesha ka saaro isagoo barnaamijka “60 Minutes” u sheegay in arrintaasi aysan wax macno ah lahayn, maadaama Mareykanku uu si buuxda u burburinayo Iiraan.
Sidoo kale, Ruushka ayaa la filayaa inuu kordhiyo dhoofinta shidaalkiisa ee dalalka Hindiya iyo Shiinaha, xilli qalalaasaha ka taagan marinka Hormuz uu sababay in qiimaha shidaalku uu cirka isku shareero, gaar ahaan kadib markii maamulka Madaxweyne Trump uu dalka Hindiya u fasaxay inay iibsato shidaalka Ruushka inkastoo ay jiraan cunaqabateyno caalami ah.
Turkiga
Xukuumadda Ankara ayaa ku dhawaaqday in aysan marnaba ogolaan doonin in hawadeeda loo adeegsado weeraro ka dhan ah Iiraan, taas oo ah mowqif ku adag dal xulafo la ah Mareykanka iyo isbaheysiga NATO.
Xiisadda ayaa sii xoogeysatay toddobaadkan kadib markii nidaamyada difaaca ee NATO ay hawada ku bur-buriyeen ugu yaraan labo gantaal oo laga soo riday Iiraan, kuwaas oo ku wajahnaa dhulka Turkiga.
Turkiga ayaa sidoo kale cambaareeyay weeraradii ay Iiraan ku qaadday dalka Azerbaijan asbuucii hore.
Maalintii Isniinta, milateriga Turkiga ayaa lix diyaaradood oo nooca dagaalka ee F-16 ah u daadgureeyay waqooyiga Qubrus, si ay jasiiraddaas badda Dhexe uga difaacaan weerarada suurtagalka ah ee Iiraan.
Intaas waxaa dheer, suurta-galnimada in maleeshiyaadka Kurdiyiinta ay ku lug yeeshaan qalalaasaha Iiraan ayaa sababi karta in Turkigu uu tallaabo adag qaado, maadaama Ankara ay taariikh colaadeed oo fog la leedahay kooxahaas.
Yaman
Kooxda Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay dalka Yaman, oo taageero milateri ka hela Iiraan, ayaan wali si toos ah usoo gelin dagaalka, balse waxay bixiyeen calaamado muujinaya inay ku biiri karaan. Tallaabadaas ayaa furi doonta furin cusub oo dagaal, waxayna si weyn halis u gelin doontaa isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee Badda Cas.
Dalka Yaman ayaa ka mid ahaa waddamo dhowr ah oo ay Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanku uga digtay muwaadiniinteeda, iyadoo ugu baaqday inay isaga baxaan sababo la xiriira derisnimada ay la leeyihiin Iiraan iyo taageerada Xuutiyiinta ee xukuumadda Tehran.
Ukraine
Xukuumadda Kyiv ayaa durba iskaashi dhanka difaaca diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (Drones) la wadda Mareykanka iyo dalalka Khaliijka. Ukraine ayaa adeegsanaysa khibradda adag ee ay ka dhaxashay la-dagaalanka diyaaradaha Drones-ka ee nooca Shahed ee ay Iiraan sameyso, kuwaas oo uu Ruushku u adeegsado dagaalka Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono difaaca dalalka iyagana ka caawinaya inay soo afjaraan dagaalka caddaalad-darrada ah ee kala dhexeeya Ruushka. Dhanka kale, Madaxweyne Trump ayaa Khamiistii xaqiijiyay inuu soo dhaweynayo caawimaad kasta oo uga timaada dal kasta.
Masar iyo Suuriya
Waaxda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa si adag ugu boorisay muwaadiniinta Mareykanka ah ee ku sugan dalalka Masar iyo Suuriya inay si degdeg ah uga baxaan. Xukuumadda Qaahira ayaa durba si dhab ah u dareemaysa dharbaaxada dhaqaale iyo saameynta taban ee ka dhalatay gariirka dagaalkan cusub.
Dhanka kale, xaaladda Suuriya ayaa ah mid aan la saadaalin karin. Israa’iil ayaa xiriir sirdoon oo qotodheer la leh Kurdiyiinta ku sugan Suuriya, waxaana laga cabsi qabaa in faragelinta Kurdiyiinta ee arrimaha Iiraan ay carqaladeyso dadaallada dib-u-dhiska Suuriya ee kadib dhicitaankii nidaamkii Bashaar Al-Asad.
Kuuriyada Koonfureed iyo Waqooyi
Talisyada milateri ee Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ayaa wada wadahadallo xasaasi ah oo ku aaddan sidii nidaamyada difaaca gantaallada ee Patriot ee uu Mareykanku leeyahay, kuwaas oo haatan ku sugan Kuuriyada Koonfureed, loogu wareejin lahaa furimaha dagaalka ee Iiraan, sida ay tebisay wakaaladda wararka ee Reuters.
Dhanka kale, dalka Kuuriyada Waqooyi, oo taariikh ahaan xulafo dhow la ahaa nidaamka Iiraan, ayaa wajahaya hubanti la’aan cusub iyo su’aalo waaweyn oo ku gedaaman mustaqbalka xiriirkaas iyo doorka ay ku yeelan karaan xiisaddan sii ballaaranaysa.
