Jabuuti (Adduun.com) — Safaaradda Mareykanka ee dalka Jabuuti ayaa Talaadadii soo saartay diginin culus, ayada oo amartay muwaadiniinteeda inay muujiyaan taxadar dheeri ah, islamarkaana shaqaalaheeda ay sii wadaan ka fogaanshaha aagga safaaradda iyo xerada milateri ee Camp Lemonnier.
Tallaabadan ayaa si toos ah loogu sababeeyay xiisadaha gobolka ee sii kordhaya iyo hanjabaadaha furan ee ka dhanka ah danaha Mareykanka.
Hawlgalka diblomaasiyadeed ayaa sidoo kale sheegay in la baajiyay dhammaan ballamihii caadiga ahaa ee qunsuliyadda, isla markaana la dhimay tirada shaqaalaha goobta jooga, in kasta oo safaaraddu ay wali furan tahay si ay u bixiso adeegyada degdegga ah.
Digniintan dhanka amniga ah oo soo baxday 10-kii bishan Maarso, safaaraddu waxay ugu baaqday muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Jabuuti inay feejignaadaan, ka fogaadaan isu-imaatinnada waaweyn iyo goobaha ay ku badan yihiin ciidamada amniga.
Sidoo kale, waxaa lagula taliyay inay la socdaan wargelinta rasmiga ah, dibna u eegaan qorshayaashooda badbaadada shakhsi ahaaneed. Safaaradda ayaa xaqiijisay in gargaarka degdegga ah ee qunsuliyaddu uu wali diyaar yahay inkastoo la hakiyay ballamihii shaqo maalmeedka ahaa.
Digniintan xasaasiga ah ayaa kusoo beegmaysa xilli uu si weyn u xoogeystay dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan.
Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa werisay in ciidamada Mareykanka iyo Israa’iil ay Talaadadii fuliyeen duqeymihii ugu cuslaa ee ilaa hadda lagu qaado gudaha Iiraan, halka xukuumadda Tehran ay duqeymo aargudasho ah ka waddo gobolka oo dhan.
Digniintani waxay xambaarsan tahay miisaan gaar ah marka la eego juquraafiyadda gobolka.
Dalka Jabuuti wuxuu ku yaallaa marin istaraatiiji ah oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, waana waddo muhiim ah oo isku xirta Bariga Dhexe iyo Geeska Afrika, kana mid ah marin-biyoodyada ugu mashquulka badan caalamka ee dhanka ganacsiga iyo isu-socodka badda. Sidaa darteed, saameyn kasta oo ka dhalata dagaalka Iiraan oo ku fida gobolka waxay si toos ah u kordhin kartaa walaaca amniga ee marinkan.
Sidoo kale, Jabuuti ayaa martigelisa xerada Camp Lemonnier, taas oo Ciidamada Badda Mareykanku ay ku tilmaamaan inay tahay saldhigga ugu weyn ee hawlgalada Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) uu ku leeyahay Geeska Afrika.
Xaruntan ayaa udub-dhexaad u ah hawlgalada milateri ee Mareykanka uu ka fuliyo Bariga Afrika iyo gobolka Badda Cas, arrintaas oo ka dhigaysa digniin kasta oo amni oo kasoo baxda safaaradda dalkaas mid aad xasaasi u ah, gaar ahaan xilli xiisadda gobolku ay sii cakirmayso.
